|
|||||
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega-Daawo: Dhalinyaro Reer Hargaysa Ah Oo Mid Kamid Ahi Badu Liqday Iyo Sadex Kale Oo Laga Soo Badbaadiyay
September 2, 2017 - Written by Reporter:Berbera,(W,N)-Wiil dhalinyaro ah Oo Da,diisu 20 Jir Ahayd ayaa Maanta Bada Berbera Liqday Kuna Dhintay. Wiilkan Ayaa waxay wada Socdeen Sadex Kale Oo Dahlinyaro Ah Waxaanay ka Yimaadeen Magaalada Hargaysa. Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed Ayaa Warbaahinta U Cadeeyay Gurmad Deg Dega Oo Aay Galeen In Aay Kusoo Badbaadiyeen Sadexdii Wiil Ee Lasocday Wiilka Dhintay. Dhacdadan Masiibada Ah Ayaa Waxaa Sababay Kadib Markii Aay Iska Fuuleen Afartan Wiil Laash Bilaa Mishiin ah Oo Xeebta Iska Yaalay, Kadibna Laashkii Dabayshu Ay Kaxaysay oo ay Badwayna Gaysay, Intaasi Kadibna Wiilka Dhintay ayaa Naxay Oo Ka Booday Laashkii. Badhasaabka Gobolka Saaxil Ayaa Intaa Wuxuu Ku Daray In Gurmad Deg Dega Oo Aay Sameeyeen Ciidamada Bada iyo Dhalinyarad Loo tabo Baray Samo,ta Bixinta Dadka Badu Liqdo Ayaa Ay Ku Guulaysteen In Badwaynta Ay Kasoo Badbaadiyaan Sadexa Wiil Ee Laashku Badwaynta La Tagtay. Dhanka kale Badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa Ugu Baaqay Dhalinyarada Imanaysa Bada Maalinta Ciida Ah In Ay ka Taxadiraan Khatarta Badu Leeedahay, Sidoo Kale Wuxuu Waalidiinta Ugu Baaqay In Aanay soo dirin caruur Aan waalidkood La Socon. HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN OO FAAH-FAAHSAN
Related posts:Warar Dheeraada Oo Ku Saabsan: Weerarro lagu Qaaday Hoteello ku yaalla Muqdisho iyo Al-Shabaab Oo Sh... Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta waxa uu kulan balaadhan la yeeshay Agaasi... Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Hadlay Wiil Reer Somaliland Ah Ee Muqdisho Lagu Diley Sheegayna In Loo Haysto... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|