Dhaqaalahii Somaliland ee ka soo gali jiray xoolaha nool waa u yaraaday, waxaana sabab u ahayd abaar dabo dheeraatay oo ku dhufatay guud.
Dhaqaalaha Somaliland waa mid si weyn uu tiirsan xoolaha nool oo laga dhoofiyo magaalo xeebeedka Berbera oo wakhti aan sidaa u sii dheereyn lagu wareejiyey shirkad carbeed oo fadhigeedu yahay dalka Dubai laguna magacaabo DP World oo ku shaqeysa nidaamka balaadhinta iyo casriyeynta dekedaha caalamka oo ka hawl gasha dalal door ah oo ku yaala qaarada Afrika iyo meelo kaleba.
Dhaqaalahii Somaliland ee ka soo gali jiray xoolaha nool waa u yaraaday, waxaana sabab u ahayd abaar dabo dheeraatay oo ku dhufatay guud ahaan Somaliland gobolada Galbeedka iyo kuwa Barigaba tan oo keentay in ay u leedaan amaba ay u dhintaan kumaan xoolo ah oo isgu jira noocyada kal duwan ee dadka xoolo dhaqatada ahi ay dhaqdaan, sida Geela, Adhiga, Iyo Lo’da.
Waxaana culeyska dhaqaale ee haatan taagan dhinac kale sii kordhiyey, yaraanshaha lacagta qalaad ee Dollarka ($) oo aad u yaray iyo qiimo dhac weyn oo ku yimi shillinkii Somaliland, sida ay ku doodayaan dhaqaale yaqaanada oo ay ku guuldaraysatay in xukuumada maanta joogta ee Somaliland ay wax la taaban karo ka qabato waxaana ay sababtay sicir barar baahsan oo xadhkaha goostay oo masuuliyadeeda ay xukuumadu leedahay.
Haddaba, maanta waxa jira in dawlada talada dalka haysa ay tahay mida sida caynkaas ah u dhaqmaysa, iyada oo ay sii dheer tahay u gacan gelinta dawlado shisheeye hantidii ummada oo hoos uga dhacday sidii ay markii hore ahayd, marka laga yimaado in ay wax ku soo kordhiyaane iyada oo ay murano iyo doodo adagi ka dhex taagan yihiin shirkada DP World, muruqmaalka iyo ganacsada dhexdooda taas oo gaabis ku keentay shaqadii dekedda Berbera.
Iyadoo dhianac kalena ay dawladu ka kireysay gegedida caalamiga ee istaraatiijiga ah ee Berbera, taas oo ay si hoose ugu loolamaayaan dalalka dunida ugu awooda weyn.
Ugu danbeyntii, waxa suurtagal ah in xukuumada sidaas u dhaqmaysa ee bilaa tudhaalaha ahi ay maalin cad wareejinayso haddii loo soo baahdao dalka iyo dadkaba, balse waxa maanta ina hortaala shacab ahaan inaynu raacno cida ku shaqeynaysa rabitaankeena oo aan inaga doorbideyn xuquuqul qalinka waxa loogu yeedho oo ah musuqmaasuq si farshaxanimo ah loo dhigay balse ah mid cad oo muuqda.
Mahadsanidiin.
Maxamuud Xeef