Magaalada Arabsiyo waxay leedahay taariikh fac dheer in kastoo aan aad looga faaloonin. Waxay ka unkantay dooxa Arabsiyo oo ilaa quruumihii hore loo soo aroori jiray iyadoo kayn jiqa ahay. Markay makhaayadii u horeeyay la bilaabay ayaa barbar waday beeraha waraabka, iadoo hormood u ahaan jirtay wax soo saarka beeraha qarnigii ina dhaafay.
Waxa hubanti ah in imika dooxyo badan wax laga tabcaday. Wakhtiga roobkana oogada sare iyo hawdka laga beero khudaarta.
Taasi waxay ina tusaysaa in dadku fahmay beeraha iyo faa’iidooyinka qodaalka.
Waxa kale eey Arabsiyo safka hore kaga jirtay waxbarashada oo baryo hore laga yagleelay sanadii 1958. Kumayaal aqoonyahana ama xirfad leh ayaa dugsiyada Arabsiyo ka soo baxay.
Ka dib burburkii dalkoo dhan saameeyay waxa dib loo unkay dugsiyadii oo laga bilaabay geedaha qudhaca hoostooda iyo daasado caruurtu ku fadhiisato.
Macalimiintii hawshaa u guntatay si aan caruurta wakhti kale uga lumin taariikhday ku jiraan, kuwii ay u bilaabeena Jaamacadaha ayay ka baxeen.
Waa loo guntaday intii dadnimada iyo damqashada lahay in dib u dhis lagu sameeyo cid kasta ha loo adeegsadee. Waxaa mudan in loo mahad naqo lana xasuusnaado gargaarkii Hablaha Walaalaha Arabsiyo ee Uk/Canada oo daayac tir iyo class cusuba ku daray dugsiyada Arabsiyo.
Kumay koobnayn oo kaliya waxbarashada,waxaa u danbaysay taageeradii dhulka loogu iibinayay Dhakhtarka Arabsiyo.
Aan ku soo noqdo afeefta qoraalkan “maxay Arabsiyo u baahan tahay?”
Waxay u baahan tahay wax kasta oo danta guud anfacaya, waxayna kala leeyihiin mudnaan sida ay u kala baahi badan yihiin.
Hawsha wax qabadka bulshadu meel iskuma taagto mana tiro yara waa “gudunta loo hay goor iyo ayaan geedi socodka nolosha.”
Hadaan in yar is dul taago sida ay ila tahay baahida faraha badan ee bulshadu u baahi qabto waxaan ku soo ururinayaa :
Wadooyinka :- wadooyinka magaalada oo garanwaa xidhay iyo biyaha jeexay oo u baahan in lagu guuso.
Dhakhtarka :- mahadi ha ka gaadhee Gabdhaheena soo dhisay dhismaha dhakhtarka oo muddo dhisnaa. Waynu ku ceebawnay intaas oo sanadoodna uu xidhnaado. Maalintii dhaway ee lacagtii dhulka la wareejinayay ay odayaashu hore taagnaayeen, waad ka naxaysaa daaqadaha daxalka iyo ranji la’aantu u qarqarxay. Wali waxay Gabdhaheena qurba-joogu iibinayaan dhul lagu hordhiyo dhakhtarka. Maxaa inaga hor jooga inaan qalab iyo shaqaale ugu gurmad tagno. Boqolaal waxgarad ah baa ku sugan Hargeisa iyo dibadaba. Inaguu ina sugayaa inay albaab walba u garaacno ,marka laga bilaabo wasaarada caafimaadka. Tuulo dad iyo magaalaba ka yar arabsiyo ayaa dhakhtaro leh. Arabsiyo ma casuumadaha madaxda iyo ololaha doorashooyinka uunbaa loo igmaday. Waa in aan bilawnaa gurmadkiisa guda iyo dibadba oo loo magacaabaa gudi hawshaa yagleesha.
Dugsiga Sare :- marka aad gasho dugsiga sare waxaad isha ku dhufanaysaa qabyo ka muuqata dhinaca koonfureed (imiga in la dhisay ma ogi) Dugsigani wax badan buu u baahan yahay, markaad barbar dhigto dugsiga hoose iyo kan dhexe oo quruxdooda aan ku diirsanayso. Waxa kaloo ka maqan meesha garoomadii ciyaaraha oo dhan. Sanad walba tartamo ayaa la qabtaa, kooxo badani ku hardamaan gaar ahaan kubada cagta. Waa arin lagu farxo laakiin ma is waydiiseen meeshan lagu ciyaarayo ma garoonbaa misa waa dhul shakhsi leeyahay.
Beeraha :- waxa loo baahan yahay in loo raadiyo midho aan ahay kuwan la macmalay oo tayo leh. Maanta wax jira kuliyado lagu barto culuunta beeraha, waa in aan soo dhawaynaa si Arabsiyo u noqoto meel cilmi baadhista iyo tababarada lagu suubiyo, si beeralaydu uga faa’iidaysto.
Bilicda Magaalada :- marka aad faras magaalah Arabsiyo joogto waxaad moodaa in manta wadanka lagu soo noqday. Waxay u baahan tahay in wadooyinka suuqa hadii aan loo itaal hayn in la sibidheeyo in si fiican loo kabiso.
Intaas waa kor taabasho waxy Arabsiyo u baahan tahay.
Waxa aan bilaabay sanadkii 2015 in aan maktabad ama Library ku fikiro, kadib markaan arakay ardayda dugsiga dhexe/sare oo aan la sheekaystay aad ugu yartahay inta wax dhaafsan casharadood akhrida.
Sidaas darteed ayaan Djibouti ka soo raray buug aad u fara badan oo aan hayay muddo sanada badan ah. Arabsiyona waxaa ii yaalay dhamaan buugtii aan wax ku baranayay ama reference ii ahaa wakhtigii Jaamacada India aan ku jiray oo lacag badani igaga baxday noolkii aan ku soo rartay Mumbai to Djibouti
Waxaan filayaa imiga in guubaabadiisu idinsoo wada gaadhay meel kastood joogtaan Arabsiyo Public Library. Warbaahintaa iyo baraarujintaana waxaa aad ugu guntaday Khadar Jaambiir Egeh, aadna aan ugu mahad celinayo wakhtigiisa uu siiyay danta guud.
Buugaagta aan imiga ururiyay waxay kor u dhaafeen boqolaal waliba buug academic ah oo anfacaya jiilal badan. Waxa kalee aan hayaa balan qaadyo shakhsiyaad iyo samafalayaal ajaaniba oo u diyaara in ay ila qalabeeyaan Library.
Si ku meel gaadhana waxaan ugu deeqayaa Guri aan Arabsiyo ku leeyahay in aan ka furo inta meel munaasaba loo dhisayo.
Hawshan oo muddo labo sano aan waday waxay maraysaa meel fiican oo lagu sii dhiirado. Inta sanadkan ka hadhayna aan rajaynayo in books badan oo deeq ihi I soo gaadho. Sida kuwo Fardus Maax Canada ku ururisay iyo kuwo aan UK ka filayno oo Maryan Abdi aw Farah bal qaaday.
Nin saaxiib aanu nahay oo Maraykan ah masuulna ka ah hayad samafala ayaa manta 18/9/17 ii sheegay in buug badan uu igu soo wareejin doono. Marka aan furana igu soo xidhi doono Donators kale oo si joogta ah wax u tara public library.
Maalin sii horaysay oon la hadlay Mrs Janne D’haem oo 1968 ahayd US Peace Corps Arabsiyo ka dhigaysay anigana fasalkii 1aad ii dhigtay; waxay aad ugu faraxday hawshan Library, iyadoo ahay qofkii bilaabay Library Arabsiyo yeelato wakhtigaa siday ii sheegtay. Dukaankii AHN Ali Hanfi Coofle ayay dhigtay buug si ardaydu uga qaadato una soo celiso.
Hadaba gunaanad iyo dulucda qoraalka, waxa loo baahan yahay in loo wada guntado in bulshadeena wax loo qabo dhaxalgal ah.
Waxay ila tahay wixii qof ama kooxi hirgalinayso ee la dhaqaajiyay ina aan la barbar ordin iyadoo magic ama dan gaara la leeyahay.
Arabsiyoo dhami haday tidhaa Library baan samaynayaa iyadoo boqol baylahood aynu leenahay waa nasiib daro.
Tan Library waa la idinka furtee aan kala jahayno muruqa,maalka iyo maankaba si aan u buuxino baahiyaheena kale.
Dhalinyarada badan ee ku hamiyaysa in ay wax u qabtaan Arabsiyo waxaan kula talin lahaa Garoonka kubada cagta iyo kolayga u guntada garabkiinaan is taagaynaa. Tani waa tusaale baylahda iyo baahiyaha kale ku filiqsan deegaanka Arabsiyo.
Waxaan baaq u dirayaa Qurba –joogta reer Arabsiyo gaar ahaan baaqaygu waxa uu ku jihaysan yahay wiilashii dagaanka Arabsiyo.
Kaalintiinii wali way banaantahay, hadaan halmaanteen intii hore; hurdada ka toosa oo kaalintii soo buuxiya.
Safar kastood Dalka timaadaan fadlan Hal buug soo qaad kuna deeq Arabsiyo Public Library.
Muwaadin kastoo reer Somaliland marka uu dalka imanayo ha soo qaado books, ha ugu deeqo jaamacadaha iyo libraries dalka halkii uu jecel yahay.
Waxaan gabagabdii mar labaad hanbalyaynayaa Hablaha Walaalaha Arabsiyo gudaha iyo dibadaba.
Ilaahaybaa mahad leh
Somaliland Ha Jirto
Ahmed Max Hassan
Maritime & Logistics Expert
Tel: 25377817718
Email. amaaxh@gmail.com
Djibouti