WAJAALE NEWS

Maxaa La Gudboon Ardeyda Ka Qalin-Jabisey Jaamacadaha W/Q: Dr. Jamal Awil Dirir

Ardeydan waxay barteen heerka koowaad ee waxbarashada jamacdadaha (Degree) ama heerka labaad ee (Master), waxay gaadheen ka dib qalin jabinta mid ka mid

 

Sida laga war qabo waxaa sanad walba xiligan o kale ka qalin jabiya jaamacadaha dalka ardey aad u fara badan oo kumanaan gaadhaya,  kuwasoo u dhashay dalka JSL ama ka yimi dalalka derisk ah.

Ardeydan waxay barteen heerka koowaad ee waxbarashada jamacdadaha (Degree) ama heerka labaad ee (Master),  waxay gaadheen ka dib qalin jabinta mid ka mid ah himilooyinka ay lahaayeen mudadii ay soo wadeen safarka dheer ee waxbarasho.

 
Kuliyadaha kala duwan ee ardeydu ka baratay jaamacadaha waxaa ka mid ah:-

Dhamaantood waa cilmiyo looga baahan yahay in dalkan curdinka ah ee JSL lagaga shaqeeyo ama looga shaqeysto.

Allah ayaa mahad leh u ogolaadey iney ardeydu heerkan soo gaadhaan, marka labaad waalidkood ayaa mahad leh soo koriyey kuna tabcay iney halkan gaadhaan, marka saddexaad macalimiintii wax bartay soona barbaarisey ayaa mahad leh. Iyaga laftooda ayaa mahadsan uso dhabar adaygay halkana soo gaadhay.

Xaflada qalin-jabintu waa mid ka mid xiliyada ugu qaalisan qofka wax bartay, madax ilaa minjo waa madal laysku arko, laguna hambalyeeyo ardeyda tacabka dheer soo gashay hadana diyaar u ah iney ka faa’iideeyan aqoontii lagu shubayay mudada dheer.

SHAQO TAGA…….ayaa ah kan ugu hadal haynta badan ee soo waajahda ardeyga markuu qalin jabiyo.

Dawlada, hay’adaha aan dawliga ahayn. Ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iyo mid qofku iskii u bilaabo.  Waa meelaha kooban ee shaqada ardeygan soo baxay ka eegayo.

Tiro ka mid ah ardeyda soo baxdey ayaa dhabaha tahriibka qaada iyagoo markiiba  ka niyad jaba suuqa shaqada ama waaya wixii ay ku fikirayeen markii ay jaamacada wadeen oo ah shaqo fiican oo la helo.

Lakiin nasiib daro, dalka oo aan la aqoonsaneyn, jaanisyada shaqada oo kooban, dadka oo an si siman loogu qaybin shaqada soo baxda, kuwaasi waxay cidhiidhi galiyeen suuqii SHAQA TAGA……..

Dawlada hada joogta, xisbiyada ku hirdamaya doorshada soo socota iyo dadka ganacsiga gaarka ah leh malaha siyaasad cad oo ku waajahan ardeydan sanadba sanadka ka danbeeya soo badanaya ee ka qalin jabinaya jaamacadaha dalka ama dibedaba……………….

Guntii iyo Gunanadkii Waxa la gudboon ardeyga qalin jabiyey:-

 

 

“TALO SAARASHADA ILAAHAY AYAA AH TA LAGU GAADHO NOLOL SAREEDO WACAN”

 

ALLAA MAHAD LEH   

Dr. Jamal A. Dirir

Hargesia, Somaliland

 

 

Exit mobile version