WAJAALE NEWS

JSL Hadii Ay Hesho Ictraafka Caalamka, Wadan Dimuqraadi Ah Ma Sii Ahaan Karaa?

Hadii JSL, ay hesho ictraaf caalami ah, diyaar wadanku ma yahay in uu noqdo wadan ilaaliya xuquuqda bulashada iyo sharciyada wadanka?

 

Arrinta si loo xaqiijiyo, ama loo qiyaaso, hab u dhaqanka haayadaha wadanka ayaa laga soo xigan karaa.

Tusaale ahaan,

In ay maxkamadu sharciga sugto, si sax ah.

In ay askartu iyo boliisku xitraamaan sharciga.

In ay shaqaalaha haayadaha dawladu sharciga ku dhaqmaan, kii ku dhaqmi waayana, sharciga la mariyo (tusaale ahaan in uu shakhsigu sharciga ixtraamo ama uu ka baqo hadii aanu ixtraamayn).

In lala xisaabtamo haayada bulshada u haya macaamiisha, sida haayadaha madaxa baanan iyo kuwa dawlada.

Qof kasta iyo haayad kastaaba waa in ay sharciga jawaab siin karto (answerable to the law).

Hadaba marka aad eegtid marxaladdan hada lagu jiro, marka aad eegtid habka uu wadanku u socdo ama ay u shaqaynayaan haayadaha bulshada, sida haayadaha dawlada ama kuwa madax baanani, layaab ma leh in aan la aqoonsanin JSL, ama aan la aqoonsan doonin mustaqbalka dhaw , hadii aanay wax badani iska badalin habka wadanka dhaqan wanaagsan lagu maamulo.

Waxa kale oo aan layaab lahayn in uu qofku gaadho (conclusion), in ay wakhtigan iyo marxaladan hada lagu jiro in loo qaatay in aan la ictraafin JSL, maadama hadii la ictraafo, dadka sharciga ku tumanayaa waxa ay bulshda u helayaan, aqoonsi caalami ah in ay sharciga iyo bulshada ku tuntaan.

Arrintaasina waxa ay hormuud u noqonaysaa in ay wadamada iyo shakhsiyada ka soo horjeeda horumarka JSL in ay taageeraan, dadka iyo haayadaha sharciga ku tunta, oo ay bulshada iyo dawladu isku dhacdoo, sidii hore u dhacday.

Xaqiiqda iyo gaabsi u socodka habka dawaladeed iyo haayadaha ee wadanka ka jirta, waa arrin u eeg in gooni isu taaga JSL in aan daacad lag ahayn.

Sida ay bulshadu aanay ugu bislayn horumar hab u dhaqan wanaagsan leh, lakiin ay diyaar ugu yihiin badankoodu in ay bilaash iyo cadaalad darro raali ka yihiin, taasna wali lagu difaaco qabyaalad.

Inta uu sharcigu shaqaynayo iyo inta bulshada badankoodu horumar iyo hab u dhaqan wanaagsan ay ku dabakhayaan habka maamulka, waxa loo qaatay in uu wadanku iska bilaa ictraaf ahaado.

Hadana marka aad dhinaca kale ka eegtid, dhibaatooyinka dawladnimada ka hor joogi lahaa JSL waxa ugu weyn amni la’aanta, oo arrintaana waa laga soo gudbay, laakiin arrimaha kor ku xusan ayaa wali aan natiijo wanaagsan laga gaadhin, arrimahaasina waxa ay sabab u noqon karaan in uu wadanku saqiiro hadii la ictraafo.

Talooyinka hab u dhaqanka wanaagsan lagu dabakhi karo.

In dad tayo leh la doorto.

In aan qabyaalad waxba lagu dooran.

In laga gudbo, siyaasadda iyo madax dhaqameed la is dhexwado.

In ay bulshadu gabi ahaanba ka guurto madax dhaqameed.

In maxkada sare ee JSL aanay yeelan guddomiye, laakiin loo sameeyo 10 qof oo xaakim ka ah maxkamada sare u siman, xukun markii la qaadayana sharci looga dhigo in ay ugu yaraan 7 isku raacaan.

 

Ahmed miino

London

ariif13@gmail.com

Exit mobile version