WAJAALE NEWS

Isa Siinta Guusha Ayaa Guul Darada Hor Kacda!..W/Q: Maxamed Hagi Maxamuud

“Complacency” sannad ku dhawaad ayaa hadda la ga joogaa wakhti aan sameeyey saadaal aan ugu magac-daray ”MA KULMIYAA MA WADDANI, MA MUUSE MISE CIRRO, KUMA AYAA SHACABKU U CIMAAMADI DOONAAN 2017?”

 

Saadaashan markii aan sameynaayey waxa aan adeegsaday Sample Data nooceeda loo yaqaan ‘Multilevel Regression Post-Ratification (MRP)’. Waa saadaal lagga iyo laabta ku haysa taariikhda dalka iyo dadka, dhaqanka-siyaasadda ee ummadda iyo awoodda labada dhinac ee loolanku ka dhex jiro.

 

Iyada oo loo kala sarrifayo habka iyo hannaanka dhaqanka qabiliga ah, duruufta iyo waayaha hadba dalku uu ku sugan yahay iyo saameynta labada xisbi oo dabciga murashaxiintu door iyo hoggaan maan-kasbad ah u yahay. Wakhtigaasi wakhti ayuu ahaa waayihiisa leh, Kulmiye iyo Waddani na laba khaanadood oo kala door roon ayey ku kala jireen.

Maanta se xaal sidii uu wakhtigaa ahaa ma aha, oo xeelad ayaa lagadday! Wakhtigaa waxa aan saadaalliyey haddii doorasho sidii wakhtigaa xaal ahaa la gu galo – in Kulmiye heli kari lahaa 52% halka Waddani ka heli karayey 37.4% marka la ga reebo codadka Ucid oo wakhtigaa aan xisaab ahaan fadhiisan karayn xisbiga oo maxkamad ku jiray awgii.

Maanta Waddani si aad u xoog badan ayuu u dedaalay, olole aan nasasho lahayn ayuu galay, isaga oo qiyaas ahaan adeegsanaya isla farsadama ‘Multilevel Regression Post-Ratification (MRP). Waxana la gu dagaallamayaa oo ololuhu ka socdaa deegaannadii Kulmiye – halka la gu kala hagaagay amma Kulmiye aannu hungurayn deegaanka Waddani – wallow deegaannada Awdal iyo Saaxil uu tabac iyo juhdi badan galiyey.

Sidaa soo ay tahay, misena weli Waddani uma muuqdo in uu isku laba roggi karo xisbi si fudud ku guuleysan kara ilaa iyo hadda – marka aad loo fiirsho waxa afka siyaasadda la gu yidhaa ‘Political Landscape’ haddana gari Alle ayey taqaan e, ma joogo oo aad ayuu uga awood badan yahay wakhtigii aan saadaashaa soosaaray.

Doorasho guusheedu waa dedaal aan wahsi iyo i sa siin guul aan la tabcan midna aan lahayn e, waxa muuqata in Kulmiye aad u dhayalsaday haddana dhayalsannayo Waddaniga hawshaysan ee danta cod kasbashada ah ku foogan! Saadaal kale ma soo wado se waxa ay waayo-aragnimada siyaasaddu i siineysaa in haddii uu Kulmiye olole run ah galo in uu si weyn uga badin karo Waddani. Haddii se xaal sida uu hadda yahay sii ahaado – socod iyo taagnida waa la isku dhaafaa.

 

 

Qalinkii Mohamed Hagi Mohamoud

Exit mobile version