WAJAALE NEWS

Gobolka Awdal Oo lagaga Xoog Roonaday Xisbiga Kulmiye Iyo Dabaysha Wadani Oo Aad Uga Socota!!!

Gobolka  Awdal oo ka mida gobolada ugu codka badan kuna jira kaalinta sadexaad markay noqoto doorashooyinka Somaliland ahna gobolka ugu aqoonta badan gobolada Somaliland , isla markaana  ah gobolada laga cabiro cida guusha  ugu dhaw markay noqoto  ku raasta ugu saraysa .    Hadaba Baryahay danbe waxa  isa soo taraya in  gobolka Awdal lagaga xoog  roonaday  xusbiga kulmiye  maarkaad eegto aragtida dad waynaha degan gobolka oo aad moodo in niyadoodu u janjeedho xisbiga wadani.  Lama garanayo waxa u sababa laakiin waa arin aad u soo xoogaysanaysa.  Sida  ay sheegayaan  xogaha aan ka helayno  iyo ilo lagu kal soonaan karo waxa jira xoog aad u  mihiima   oo sheegaya  dad badan oo ahaa Xusbul xaakimka kulmiye in ay u diga noganayaa dhinaca wadani.  Sababaha qaar markaad eegto waxa dabada ka riixaya   lama cadayn karo. Laakiin markaad dadka qaar wax ka waydiiso waxay kuu sheegayaan  saluug ka muuqda dadka gobolka  iyo kaanbaynka xisbiga oo aad moodo in lagaga xoog roon yahay gobolka awdal.

Dhanka kale waxaa  la filayo  sida   ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay gobolka sheegayaan in  maal maaha soo socda  ku biiraya xisbiga wadani  rag gobolka miisaan culusku leh    raagaasi oo  ah rag saluugsan siyaasada xisbiga kulmiye ee gobolka awdal  taasi oo  ah mid  aan cadayn ama sidii loogu tala galay  loomaamulayn iyo tabashooyinka beelaha daga gobolka  oo ku kala aragti duwan siyaasada xisbiyada  Somaliland.

 

QALINKII Rudwaan Cabdi

Exit mobile version