|
|||||
WAJAALE NEWS
Gobolka Awdal Oo lagaga Xoog Roonaday Xisbiga Kulmiye Iyo Dabaysha Wadani Oo Aad Uga Socota!!!
September 28, 2017 - Written by Editor:Gobolka Awdal oo ka mida gobolada ugu codka badan kuna jira kaalinta sadexaad markay noqoto doorashooyinka Somaliland ahna gobolka ugu aqoonta badan gobolada Somaliland , isla markaana ah gobolada laga cabiro cida guusha ugu dhaw markay noqoto ku raasta ugu saraysa . Hadaba Baryahay danbe waxa isa soo taraya in gobolka Awdal lagaga xoog roonaday xusbiga kulmiye maarkaad eegto aragtida dad waynaha degan gobolka oo aad moodo in niyadoodu u janjeedho xisbiga wadani. Lama garanayo waxa u sababa laakiin waa arin aad u soo xoogaysanaysa. Sida ay sheegayaan xogaha aan ka helayno iyo ilo lagu kal soonaan karo waxa jira xoog aad u mihiima oo sheegaya dad badan oo ahaa Xusbul xaakimka kulmiye in ay u diga noganayaa dhinaca wadani. Sababaha qaar markaad eegto waxa dabada ka riixaya lama cadayn karo. Laakiin markaad dadka qaar wax ka waydiiso waxay kuu sheegayaan saluug ka muuqda dadka gobolka iyo kaanbaynka xisbiga oo aad moodo in lagaga xoog roon yahay gobolka awdal. Dhanka kale waxaa la filayo sida ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay gobolka sheegayaan in maal maaha soo socda ku biiraya xisbiga wadani rag gobolka miisaan culusku leh raagaasi oo ah rag saluugsan siyaasada xisbiga kulmiye ee gobolka awdal taasi oo ah mid aan cadayn ama sidii loogu tala galay loomaamulayn iyo tabashooyinka beelaha daga gobolka oo ku kala aragti duwan siyaasada xisbiyada Somaliland.
QALINKII Rudwaan Cabdi COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|