|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Somalia Oo Ku Hawlan In Ay Dib U Soo Ceshato Maamulka Hawada
September 20, 2017 - Written by Reporter:Muqdisho,(W,N) – Heshiis dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ICAO ayaa leysku afgartay in ku dhawaad 30 cisho kaddib Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka hawadda.
Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka soconayay dhismaha qeyb ka mid ah qalabka lagu kootaroolayo hawadda Soomaaliya oo durbaba dhismihiisa la bilaabay.
Wasiirka wasaarrada gadiidka iyo duulista hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Omaar aya wariyayaasha u sheegay in xadhiga laga jaray dhismaha qeyb ka mid ah qalabka oo lagu koontarooli doono saadaasha hawada.
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda ICAO ayaa isku afgartay sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo wareejiyo magaalada Nairobi maamulka hawada Soomaaliya oo tan iyo markii ay dowladda soomaaliya bur burtay saldhig u ahaa, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo wareejiyo magaalada Muqdisho. Related posts:Marwo Adna Aadan Oo Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Uk Uga Xog Warantay Marxaladihii Uu Dalku Soo... Maayarka Hargeysa Oo Munaasibad Casho Sharaf Ah U Sameeyay Dhalinyaradii Ka Qeyb Qaadatay Orodka Mar... Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Midowga Afrika Ka Dhaadhicinayso Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|