|
|||||
WAJAALE NEWS
Muwaadin Talo Dhaxal Gal ah Usoo Jeediyay Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Waxay Daaran Tahay?
August 6, 2017 - Written by Editor:Muwaadin Talo Dhaxal Gal ah Usoo Jeediyay Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Waxay Daaran Tahay? Ku: Maayirada Magalooyinka Somalilanr Gaar Ahaan Maayirka Caasimada Hargeisa ,Mudane Abdirahman Mohamoud Aideed Ujeeddo: Soo Gudbin Fikir Danta Guud ah:- Mudane Maayir. Aniga oo ah Captain Mohamed Abdi Yonis Oo Ka Mid ah Dhalinyarada ku nool caasimada Hargeisa,Waxaan mudane maayir iidinka Mahadcelinaynaa adiga,Xildhibanada Golaha Deeganka Hargeisa &Hawl-Wadaneeda D.H.H Sida firfircoon ee aad u dhisteen Wadooyinka Caasimada Hargeisa iidinka oo dhigayaa Laami Tayo Leh Isla Markaana Istecmalaysan Qalab Casriga Ee D.H.H. Waxaan Si Qadarin Mudan Iidinku soo Gudbinayaa Fikir aan Is leeyahay Baahiyo Imaan Doona Ayuu Wax Weyn ka Tari Doona Waana Sidan :-
Waxaana Loo Istecmaalayaa:- 1.Dhuunta Qasabadaha Biyaha & Kaagaga 2.Dhuunta Xadhkaha Laydhka 3.Dhuunta Xadhkaha Telephonada & Inter-net ○Faa’idooyinka 3 Dhumood Ee La Hoos Dhigaayo Laamida Casriga Ee ay Hirgeliyan Golaha Deeganka Hargeisa :- ▪Waxay Badbaadinaysaa In Marka Loo Baahdo In Laamida Laga talaabiyo Qasabadaha biyaha,Xadhkaha Laydhka Xadhkaha telephanada & Inter-netka Maadama Mustqbalka dhow Laga Wareegi doona xadhkaha cirka mara Lana marin doono dhulka si ay Bilicada caasimada u badbaado
▪Ina la Dumiyo Wado Casri ah Oo Xoog Xoolo ayay nagaga baxeen ay badbaado U noqon doonan 3 dhuumood. Madaama 1KM ku Baxdo Lacag Badan ▪In Labada Dhuumood Ee Telephonada ,internetka & Dhuunta Laydhkaba Istecmaali Doona Laga qaadi doono Caashuur shirkadaha bishii ama Sanadkii Oo Dakhli Cashuureed Soo gelin Doonta D.H.H. ▪Dhuunta 3aad Waa Dhuun La dhex Marinaayo qasabadaha ama Kaaga Oo bulshada u baahan,dhuuntana Waxay la jaan-qaadaysa Mashruuca Biyo Baladhinta Caasimada Waana Dhuutani waa Bulaash Madaama baahi dadweyne tahay Awgeed,Waxan Mamuli doonta Waakalada Biyaha Hargeisa Farsamo ahaan Mudane maayir , Waxaan Si Qadarin &Maamus Leh kaaga Rajeynayaa In aad Fikirkan Ka Midho Dhalin Doonto. Isha allah. N.B:Waxaan Ku Soo Lifaaqay qoraalkan Shaxda Talada Ee Dhuumaha la Hoos Marinaayo Laamida casriga ah.Shaxdana Sida Ugu Dhakhasaha Badan Ayaan ku soo gudbin Doona Isha allaah.
Allaa Mahad Leh
Captain Mohamed Abdi Yonis Daljire Hargeisa ,Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|