Muj Cali Guray Oo Ku Kaliyaystay Difaaca & Taageerada Murashaxa Kulmiye Iyo Dareenka Uu ka Bixiyay Dhawaaqa Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo Ku Kaliyaystay Difaaca & Taageerada Murashaxa Kulmiye Iyo Dareenka Uu ka Bixiyay Dhawaaqa Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha!!
August 2, 2017 - Written by Editor:

MUUSE BIIXI CABDI NIN JECEL IYO NIN NECEBBA TAAGEERADA REERKIISA WUU HAYSTAA. CALI GURAY

Saaxiibkay Cabdillahi Cirro Go’aankiisa shakhsiga ah waan ixtiraamayaa oo kuwo reerka Cabdiraxmaan Cirro ka soo jeeda oo Muuse raacsaniba way jiraan. Laakiin taageeradii codbixiyaha ee Muuse uma arko inay saamayn ku yeelan karto waxan ujeedaa talo xataa ardagiisa ugu hooseeyaana talo uu ku raacsan yahay maaha codkoodina halkii uu ahaa ayuun buu yahay ilaa inta anigu aan ogahay. Cabdicaziiz Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis ragii hanka lahaa ee Muuse la tartamayay ayay ahaayeen midna Cabdiraxmaan Cirro ayuu raacay midna Muuse Biixi buu raacay.

cali guray

Hadii ay beri reerkooda cod u soo wada doontaan midba wuxu ka heli doona inta taladiisa maanta ku raacda. Ragga siyaasiyiinta ah ee kalena waa sidaasi markaa ragga reerka Muuse Biixi ka soo jeeda ee waddani tegay nin ardaagiisii ku qanciyay ama ku qancin kara ka taga Muuse oo igu raaca Cirro ma jiro inta aan ogahay waanay kala cadaan doontaa waayo ilaa hadda saamaynta ugu wayn doorashooyinka Somaliland waxa leh qabyaaladda hadii aan sax ahay oo aanan qaldanayn.

 

MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS