|
|||||
WAJAALE NEWS
Fadhigii Golaha Wakiilada Somalialnd Oo Lagu Kala Calaf Qaaday Iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Oo Loo Cumaamaday +Codadka la Kala Helay
August 27, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Fadhigii ay saaka yeesheen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay fadhigaasi saaka ku doorteen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo buuxiyay booskii uu baneeyey gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax. Fadhigan saaka oo ay kasoo xaadireen 67 xildhibaan isla markaana ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa waxay xildhibaanadu cod gacan taaga ku doorteen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland . Waxaana 50 xildhibaan ay u codeeyeen in gudoomiye ku xigeenka koowaad ee goluhu uu noqdo Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle halka ay 16 mudanena u codeeyeen Xassan Hufane Hal codna u helay xildhibaan Casood. Sidaasna waxa ku ansaxay inuu gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland uu noqdo xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
Related posts:Dowladda Soomaaliya oo ka Digtay Dhibaatada Nololeed ee ka Dhalan karta Xayiraadda uu soo rogay Bang... Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Bulshada Ku Wargaliyay Wakhtiga La Keenayo Maydka Marxuuma... DAAWO VIDEO: 66-Sano jir Soomaali Ah Oo Ku Faanay inuu Masiixi Yahay “Naagtaydii Xataa Waan Ka Dhiga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|