|
|||||
WAJAALE NEWS
Carwadii Afaraad Ee Jaamacadaha Dalka Oo Qabsoontay iyo Midawga Yurub Oo Maalgaliyay+Sawiro
August 6, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N):-Carwadii afaraad ee jaamacadaha dalka ayaa ku qabsoontay magaalada Hargeysa, taas oo socotay laba maalmood. Sanadkan ayaa xooga waxa carwadan lagu saaray sidii jaamacadaha dalka loo tayayn laha isla markaasna ay uga jawaabi lahaayeen baahiyaha dalka, waxa xiiso gaar ah lahayd in markii ugu horaysay ay carwadan su’aalo lagu waydiiyay musharaxiinta xisbiga Kulmiye iyo Ucid halka uu ka baaqday xisbiga Waddani doodaasi. Midawga Yurub ayaa carwadan maalgaliyay sida oo kale wasaarada waxbashada iyo haayada Save the children ayaa iska kaashaday sidii loo hirgalin lahaa. Wasiirka wasaarada waxbarshada Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa isagu si rasmi ah u furay carwada jaamacada Agaasimaha guud ee tacliinta sare Dr.Axmed Yuusuf Cali oo carwadan jaamacadaha dalka hadlaayay waxa uu yidhi”sanadkan oo ah kii afaraad ee ay isku yimaadaan dhamaan jaamacadaha dalku, waxaynu halkudhig u qaadnaay shan qodob oo aynu jecelnahay in shanta sano ee soo socda ay waxbarashadeenu ku talaabsato, qodobka koowaad waa inay waxbarashadeenu ay hesho aqoonsi caalami ah,qodobka labaad waxa loo baahan yahay aqoontii aynu kula soo bixi lahayn khayraadka dalkeena,xalinta dhibaatooyinka dalkeena oo ay qayb ka qaadanyso aqoonteenu.” Prof.Cabdisalaan Yaasiin oo ku hadlaayay afka jaamacadaha carwadan isku soo bandhigaayay ayaa aad u faah faahfaahiiyay muhiimada ay aqoontu leedahay, waxaana isaga ooa rimahan ka hadlaayay uu yidhi”Sababta aan halkan isugu nimi waa inaan soo bandhigno waxbashadeenii sare, tacaliintuna wa waxa ay aadamuhu ku kala tagaan, alle ayaa quraankiisa inagu yidhi (miyaya siman yihiin kuwa wax garanaaya iyo kuwa aan garanayn).” waxa uu Prof.Cabdisalaan Yaasiin waxa uu sheegay muhiimad ay diinteenu siisay aqoonta. Carwadan jaamacadaha dalka ayaa lagu soo gunaaday dood loo qabtay musharaxiinta Somaliland doorashada foodainagu soo haysa tartami doona, waxaan ardayda jaamacadaha iyo sida oo kale dadweyne badan ay halkaas su’aalo ugu danbayntii ku soo waydiiyeen musharaxiintan Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe.
Related posts:DAAWO; Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo La layeeshay Siyaasi Cali Guray Iyo Cida Uu Ku Eedeeyay D... DAAWO;-Waraysi La Layeeshay Gabadha Ugu Darajada Saraysa Haweenka Ku Jira Ciidanka Booliska Somalila... Dawladda Ingriiska Oo Ku Dhawaaqday In 1.1 Bilyan Dollars Ay Ku Bixinayso Kor Uqaadista Amaanka Dalk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|