|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Masuuliyuinta Dawlada Ku Eedeeyay Inaanay Ku Kalsoonayn Lacagta S/land
July 13, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Cumar Shucayb, ayaa sheegay inaanu dalka ka jirin wax sicir-barar ahi, balse uu ka jiro sarrif barar iyo qiimihii lacagta waddanka oo hoos-u-dhac ku yimid. Waxa kaloo uu ka hadlay socdaal shaqo oo uu ku soo maray degmada Laasgeel ee gobolka Maroodijeex deegaanno ka tirsan oo ay ka socoto qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland oo si wanaagsan uga socota deegaanadaas. Sarrif bararka waxyaabaha ugu waawayn ee hadda u sababta ah waxaa ka mid ah doolarkii dibedda innaga soo geli jiray saddex meelood ayuu intiisa ugu badani uu ka iman jirtay laba meelood oo ka mid ahi meesha way ka baxeen midkii saddexaadna wuu yaraaday, waxaa meesha ka baxday lacagtii xoolaha aynu dhoofin jirnay waxaa kale oo meesha ka baxday lacagtii mashaariicda hay’aduhu bixin jireen ee soo mari jirtay NGO-yada. Wasiirka oo la waydiiyay in ay jiraan qorsheyaal kor loogu qaadayo shillinka Somaliland oo ay Xukuumaddu qaadayso,waxaannu yidhi; “Haa dawladda xil ayaa arrintaa ka saran, sidaa daraadeed marnaba kamay fadhiisan tallaabooyin baddan oo hore oo ay qaadayna way jiraan, imikana culayska ugu weyn waxaannu ka xukuumad ahaan aanu saarnay sidii dawladda Boqortooyada Sucuudigu xayiraadda uga qaadi lahayd taasina meel fiican ayay maraysaa oo xidhiidho badan oo ay dawladdu dawladda Sucuudiga la samaysay iyo socdaallo ay ku tageen weftiyo heer wasiirro ah oo wasiirka Xannaanada Xooluhu ka mid ahaa waxaa ka soo baxay natiijooyin wanaagsan si dhakhso ahna xoolaha in ay xayiraadda ka qaadaan ayaan ku hawlanahay taasoo meesha ka saaraysa Doolar yaraanta dalka ka taagan. Waxaa kaloo aan tijaarta u sheegayaa in aanay sidan u macaashayn faa’iidona aanay u helayn haddiii ay noqdaan soo dejiyeyaal keliya oo aan dalkooda maalgashan waxay tijaartu dalka keenaan waxyaabo badan oo lacag adagi kaga baxdo oo aan dalkana waxtar u lahayn iyo waxyaabo badan oo dalka laga soo saari karo oo maalgalin kooban ua baahan waxaanan tijaarta u sheegayaa in loo baahan yahay in ay iyagu qiimeeyaan shillinka Somaliland cidda dadka Doolarka ka doonaysa ee lacagtooda nacsiisay waa iyaga ee waa in ay si muwaadinnimo ku jirto u raadiyaan macaashdoonka ay yihiin.”
Ugu dambayn Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay socdaalka u ku soo maray deegaanno ka tirsan degmada Laasgeel; “Degmada Laasgeel waxaa ka socda qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha doorashooyinka waxaanan ku soo marnay socdaal wacyi galin ah dadka degmaduna aad ayay kaadhadhka u qaadanayeen oo hawshaasi si wanaagsan ayay uga socotay inkasta oo ay dadka ka muuqato diiftii abaarta oo ay dadka intooda badan oo xoolo dhaqato ahaa ay xoolihii ay ka bexeen hadana iyagoo xaalado nololeed oo dadka taabtay ay ku jiraan hadana aad ayay isu wacyigaliyeen oo ay u qaadanayeen kaadhadhka codbixiyaha.”ayuu yidhi Wasiir Cumar Shucayb Maxamed. Related posts:Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Oo Lagu Soo Kordhinayo ... Xukuumada Oo Xaska Dabada ka Galisey In ay Ka Jawaabto Gaalaa Baxa Puntland ee Gobolada Bariga Somal... Sheekh Sooraan Oo Bulshada Uga Digay Dhegaysiga Heesaha, Kana Waramay Taariikhda Marxuum Maxamed Axm... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|