WAJAALE NEWS

Qasnadii Qaranka Oo La Sii Faaruqinayo W/Q: Khadar Adam Aw Muuse

Madaxwaynayaasha iyo raysal wasaarayaasha musuqmaasuqaa ahaa  ee soomaray aduunka ( corrupted presidents of the world ) Madaxwaynahaasha iyo siyaasiyiin ta maamuladoodu musuqmaasuqa lagu riday amaba lagu eedeeyey amaba dalalkooda intii ay xukumayeen  sameeyey  musuqmaasuqa ee waliba qaarna xukumadahoodii la riday qaarna dhinteen qaarna dalalkoodii  dibada uga baxsaday, kadib markii la kashifay lacagahii ay qaateen .waa ayaan daro nin  ay umadiisu u hibaysay  in uu madaxtooyada  u fadhiisto oo musuqmaasuqay oo waxii ay ku aamineena jeebagaha ka buuxsaday, oo dadkiisii badhba  nolol xumo tabcaan la yahiin. , badhna faqiirtinomo la soo goteen, badh shaqo laan u tahriibayaan ,oo badhna nafaqo daro soo ridatay oo dhakhtarada u yaalaan, badhna dawo xumo la cabanyaan .oo lacagtii wax loogu qaban lahaa dal shisheeye loo xawishay,  intaas iyo inkaloo qarsoon ayey kaga tagaan dalalkooda iyagoo lacagtoodii jeebadaha ka buuxsaday.

Raysal wasarayaashaa iyo madaxwaynayaashaa waxa aynu ka soo qaadaynaynaa .madaxwaynahii filibin joseph Estrada oo sadex sano oo kaliya ahaa madaxwayne ( 1998—2001) waxaanu dhacay lacag dhan ( 8million $)

Waxaa kale oo ka mid ahaa arnaldo alemen oo ahaa madxwaynahii nikarwa  waxaanu dhacay ( 10 million) waxaanu lagu eedeeyey ,musqmaasuq waxaanau madxwayna ahaa ( 1997-2002) waxaana lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah, kadib markii uu xanuusaday waxaa loogu bedelay xabsi guri,

Waxaa kale oo kamid ah maxawaynahii yukrayn  waxanu dhacay ( 200 million ) mr paylolegerko ,waa la qabtay waxaana lagu  xukumay  9 sano oo xadhig ah , iminkana wax uu degen yahay kalfoniya,

Alberto Fujimori, waxa uu madexwaynahii  beruu waxaanu madaxwane ahaa 1990 —2000, waxaanu dhacay ( 600million ) waxaana lagu qabatay dalka jili 2005 ,waxaana lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo ku xadgudub dhinaca xuquuqda aadanahaa. Waxaana lagu xukumay ,25sano oo xadhig ah,

Waxaa kale oo ka mid aha madaxwanahii yuguslafaakiya ( sarbiya ) ee madxwanha ahaa ( 1998 — 2008) waxaanu dhacay ( 1billion ) waxaanu dhintay isga oon la maxkamadayn .

Waxaa kale oo ka mid ahaa mabuto seseseko oo ahaa madxwanahii dalkii la odhan jiray zaiir , madaxwane ahaa ( 1965—1997 ) kadib markii mucaarikiisii dalka ka caydhiyeen ayaa sand kadib waxa uu ku dhintay dalka maroko, waxaanu dhacay ( 5billion )

Waxaa kale oo ka mid aha madxwanhii nayjeeriya sani abaaja waxanu madaxwane ahaa 1993—98kii ,waxaanu dhacay  ( 5billion )  waxanu ku bakhtiyey xafiiskiisii isagoo  54 jir ah,

Waxaa kale oo ka mid ahaa maxamed soharto oo aha madaxwanahii indonisiya  kaas oo xukumaaye dalka 32 sano ( 1967—1998)  waxaanu dhacay ( 30billion ) isaga qayskiisu ,

1998, maxkamad kutaala indooniisaya waxay amartay in  caailadii suhaarto ay  ku soo celiyaan qasnada dowlada ( 128.5)malyuun dooler, ee ay qaateen in tii u dhaxaysay, 1965—1998,kii waxaa kale oo uu qaadi xukumay in ay  ku soo celiyaan .lacag dhan 10.billion  doller,ee ay kala baxeen sanduuqa taakulaynta tacliinta .waxaa kale oo maxkamadi amartay  sandkii 2000, miganawata sukaarno xukun dhan 15 sano ,kadib markii lagu  eedeeyey in  10.million oo doller oo maalkii caamkaa aha.waxaan la odhankaraa reer sohaarto waxa ay ahaayen qaar aad u boobay xoolahii dadwaynaha iyo maalkoodii,waxayna si ka baxsan sharciga u adeegsadeen awoodii madaxwayne, waxaanu dhintay 2008 isgoo ay dadiisu tahay 86,

Madaxwaynayaasha ay maamuladoodu ( admistration ) musuqmaasuqa ahaayeen , waxaa ka mid ahaa , Richard nixson ,oo isga lagu eedeyey,( water gate) , ronal reagen,oo isna lagu eedayey( iran  gate, )

Ulyses grant , ninka isagu mu ahahayn nin musuqa laakii madxwane ku xigeenkiisa ,iyo maalulkiisa  iyo   golahiisa wasiirada ayaa ahaa dad musuqa,

Gabo badii

Inaguna ma qasri uun baynu ku jiri, kanaa dhis tay ,kii ka horeeyey ayaa dhistay, qasnadii dowlada ayaa la sii madhinayaa , kii ka horeeyey ay khasnadiisii waxba loogu tegin , madaxdii xisbiyadaa guryo loo dhisayaa, wasiiradiibaa boli qaran wada jeexday ,qaarna dibaday ula cararayaan intii ay gacanta ku dhigeen, dhulkii guud baa la boobayaa. Markaa maxaa hadhay,

Markaa maxay doorashadu faaiido leedahay, mar hadii kuwa dhaca sameeya dowladina soo xidhayn,  mid tartan madaxwayne ku jiraana aanu odhanayn anaa soo qabanaaya ku wa hantida dadka boobay, markaa waa maxay faiidada codayntu?  Markaa ma waxaa weeye somaliland markayga, Maxaanse  kan  joogana uridaa mid imanaya aan  udoortaa .mar hadii xoolahii umada laga daba tagayn oo qasnada lagu soo celinayn,yaase qasnada ku soo celinaya maaliyada intaas leeg ? wasuaal utaala qof kasta oo somalilander ah.

By: khadar adam aw muse

mixile190@gmail.com

 

Exit mobile version