Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo debada,waxaa kale oo aan salaamayaa bahda warbaahinta .Maqaalkan kooban waxaan doonayaa inaan kaga hadlo marka doorashooyinka yimaadaan ee la kala dooranayo axsaab siyaasadeed maxay dadkaasi ku kala doortaan oo ay codkooda ku siiyaan Tusaale ahaan dalkan aan joogo waxaa ka jira 8 xisbi ama party,ummadan isku qabiil maaha diin ma wadaagan maxay codka ku siiyaan ee ay ku doortaan weliba laaluush ma bixiyaan .Akhriste aan hoos u soo daadego nuxurka .
Marka aan doonayo inaan codkeyga bixiyo waxaan akhristaa ama dhegeystaa barmaamijka siyaasadeed ay soo bandhigaan bulshadda ,ka dibna kuu aan aarko inay ku jirto danta dadka qaybaheeda kala duwan sida waxbarashadda,shaqadda,caafimaadka dhaqaalaha nabadagalyadda iwm sidaas ayaan ku siinayaa codkeyg
sannadka 2017/11 sida la filaayo doorashadda madaxaweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ka dhacaysa Somalilanad. waxaa dartamaya sadex xisbi qaran Wadani Kulmiye iyo Ucid waxaa kale hogaaminaya saddex Musharax oo aynu wada naqaano midkasta heerkiisa aqooneed, dhaqan ,siyaasadeed, waayo argnimeed muwaadin waxaan dooraneynaa mustaqbalkii dadkan iyo dalkan mudda soo socota dalkan waxaa hadda ku jiraa marxalad adag oo aan loo baahneyn in sidan lagu sii waddo lagu sii eegto ,dadlkan wuxuu u baahan yahay gurmad deg deg dalkani wuxuu u baahan yahay hogaamiye siyaasadeed oo ku soo shaqeeyay heer dublimaasiyeed,maanta waa maalitii aqoontu shaqeyn lahayd ee maskaxda la tuujin lahaa.
dalkan soomaliland wuxuu ka aradan yahay siyaasaddii arrimaha dibadda ,ictiraaf warkeeda iskaba daa hadal haynteeda,Xisbigan Kulmiye fadlan intii aan dalka gaadhsiisay ee waxyeelo ah intaa ku fulan dhib kale ma qaadi karo .
Midna waxaan leeyahay Wasiirka Hawlaha Guud Ali Mareexaan fadlan qofki garana sababta loogu bixiyey Cali mareexaan ii soo sheeg ma dawladan ayuu kula baxay magacan ,mareexaan waxaan u aqaana qabiil soomaaliyeed. Wasiir Cali shaqaddii lagu magacaaabay ayaad dacayday shilalka ugu badan ee ka dhaca dalka waa wadoxumo ,adiga oo wasiira ayaad shil ku gashay hargeysa iyo gabiley dhexdeeda maxaa saabab u ahaa shilkaasi waa xorfadaha ka dhex qodan wadada dhexdeeda .
Maanta waxaa tarmaya nin aad tidhi 40 sannadood ayuu siyaasadda ku jiray iyo nin aad tidhi mudo gaaban ayuu siyaasadda ku jiray bal aan eegno ka la doorto.Bulshadani way ka bilsaataay maalintii mijin hooyo codka isii iyo maalinii mijinta jaadka ah codka lagu raadinaayey.
waxaan ku soo afmeerayaa mustaqbalka dadkan iyo dalkan wuxu ku jirtaa hogaamiyaha aad dooraneysaan.
Waxaan u rajeynaa dhamaan dadka somaliland iyo dadka soomaaliyeedba horumar iyo barwaaqo mustaqbalka soo socda.
AhmedBudul@hotmail.com