Maxaynu Ku Kala Dooranaa Asxaabta Tartameysa Ee Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaynu Ku Kala Dooranaa Asxaabta Tartameysa Ee Somaliland.
July 9, 2017 - Written by Reporter:

Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo debada,waxaa kale oo aan salaamayaa bahda warbaahinta .Maqaalkan kooban waxaan doonayaa inaan kaga hadlo marka doorashooyinka yimaadaan  ee la kala dooranayo axsaab siyaasadeed maxay dadkaasi ku kala doortaan  oo ay codkooda ku siiyaan Tusaale ahaan dalkan aan joogo waxaa ka jira 8 xisbi  ama party,ummadan isku qabiil maaha diin ma wadaagan  maxay codka ku siiyaan  ee ay ku doortaan weliba laaluush ma bixiyaan  .Akhriste aan hoos u soo daadego  nuxurka .

Marka  aan doonayo inaan codkeyga bixiyo waxaan akhristaa ama dhegeystaa barmaamijka siyaasadeed ay soo bandhigaan bulshadda ,ka dibna kuu aan aarko inay ku jirto danta dadka qaybaheeda kala duwan sida waxbarashadda,shaqadda,caafimaadka dhaqaalaha nabadagalyadda iwm sidaas ayaan ku siinayaa codkeyg

sannadka 2017/11  sida la filaayo doorashadda madaxaweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ka dhacaysa Somalilanad. waxaa dartamaya sadex xisbi qaran  Wadani Kulmiye  iyo Ucid waxaa kale hogaaminaya saddex Musharax  oo aynu wada naqaano midkasta heerkiisa aqooneed, dhaqan ,siyaasadeed, waayo argnimeed muwaadin waxaan dooraneynaa mustaqbalkii dadkan iyo dalkan mudda soo socota  dalkan waxaa hadda ku jiraa marxalad adag oo aan loo baahneyn in sidan lagu sii waddo  lagu sii eegto ,dadlkan wuxuu u baahan yahay gurmad deg deg dalkani wuxuu u baahan yahay hogaamiye siyaasadeed  oo ku soo shaqeeyay heer dublimaasiyeed,maanta waa maalitii aqoontu shaqeyn lahayd  ee maskaxda la tuujin  lahaa.

dalkan soomaliland wuxuu ka aradan yahay siyaasaddii arrimaha dibadda ,ictiraaf warkeeda iskaba daa hadal haynteeda,Xisbigan Kulmiye fadlan intii aan dalka gaadhsiisay ee  waxyeelo ah intaa ku fulan dhib kale ma qaadi karo .

Midna waxaan leeyahay  Wasiirka Hawlaha Guud  Ali Mareexaan fadlan qofki garana sababta loogu bixiyey Cali mareexaan  ii soo sheeg ma dawladan ayuu kula baxay  magacan ,mareexaan waxaan u aqaana qabiil soomaaliyeed. Wasiir Cali shaqaddii lagu magacaaabay ayaad dacayday shilalka ugu badan ee ka dhaca dalka waa wadoxumo ,adiga oo wasiira ayaad shil ku gashay hargeysa iyo gabiley dhexdeeda maxaa saabab u ahaa shilkaasi waa xorfadaha ka dhex qodan wadada dhexdeeda  .

Maanta waxaa tarmaya nin aad tidhi  40 sannadood ayuu siyaasadda ku jiray iyo nin aad tidhi mudo gaaban ayuu siyaasadda ku jiray bal aan eegno ka la doorto.Bulshadani way ka bilsaataay maalintii  mijin hooyo codka isii  iyo  maalinii mijinta jaadka ah codka lagu raadinaayey.

waxaan ku soo afmeerayaa mustaqbalka dadkan iyo dalkan wuxu ku jirtaa hogaamiyaha aad dooraneysaan.

Waxaan  u rajeynaa dhamaan dadka  somaliland iyo dadka soomaaliyeedba horumar iyo barwaaqo mustaqbalka soo socda.

 

AhmedBudul@hotmail.com

COMMENTS
LINKS