WAJAALE NEWS

Kowdiina Luuliyo, Karaameeyow Dabaaldega, Anaguna Karaahidi Kawnkan Aan Noolay.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.

        S.C.W.R.W.B.

SALAANTAAS ISLAAMKA KA DIB,WAXAN TU KHAASA AH U SOO

DIRAYAA,BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-KOWDIINA LUULIYO,KARAAMEEYOW DABAALDEGA,

ANAGUNA KARAAHIDI,KAWNKAN AAN KU NOOLAHAY,

KAACAA KUFKAYGII,KADEED WIXIINA SOO MARAY,

KAFTAN BAY IDIIN TAHAY,FARAXAD KIBIR CIYAARO.

 

2-KOLSE HADDII LA KALA GO’AY,KAALAYAAYDA JOOJO,

KOONFURTIINAN BADATAYEE,KILILADA SAMAYSTEE,

KUNKA CALAN DULSUDHDNYIIN,KADABSADA INTIINO,

KUWIINAAS DARYEESHOO,HAYGU KARAAMO SEEGINA.

 

3-KUWII UGU HOREEY,KOR U QAADAY CALANKEE,

    KOLMI LAHAA SHANTEENI,KOLUUN INAY MIDOOBAN,

    KAALIN WADA YAGLEESHSSN,KALGACAYKI ILA GALAY,

    KA KASBADAY XUMAATADA,IYO KUMAA AHAYDEEN.

 

4-KARKA WAXA KA KEENAA,KULAYL WEEYE DHERIGEE,

    KAYMAHII AN GALAYEEN,KURTA JARAY GAWAADHIDA,

    KA FOOGADAY RAAXEEN,KARSAN JIRAY ABEESADA,

    WAXKASTOO I GAADHAY,KEENAY GUUSHI AAN RABEY.

              ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

Exit mobile version