|
|||||
WAJAALE NEWS
Akhriso Nuxurka Kulan Buhoodle Ku Dhexmaray Cali Khaliif Iyo Madax-dhaqameed Beeshiisa Ah
July 29, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-July.29,2017-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in kulan albaabadu u xidhnaayeen uu guriga uu magaalada Buuhoodle ka dagan yahay horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ku dhex maray horjoogaha kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galayd iyo madax-dhaqameed beeshiisa ah. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa lagu lafa guray sida ay noo sheegeen ilo wareedyo u dhuun daloolay kulankaasi sidii loo xoojin lahaa loona taageeri lahaa wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo u socda iyo waliba sidii meel looga soo wada jeesan lahaa in shir Muqdisho laga soo abaabulay uu Buuhoodle ka dhaco kaas oo maalmihii u danbeeyey hadal hayntiisu taagnayd. Horjooge Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay in odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle ee beeshiisa uu usoo bandhigay inay taageero buuxda siiyaan,isaga oo sidoo kalena odayaashan usoo bandhigay in madax-dhaqameedku ay kulan la qaataan ciidamo maleeshiiyaadka maamulka Puntland dabada ka riixayso ee kasoo horjeeda wada hadalada Somaliland iyo kooxda khaatumo,isla markaana laga dhaadhiciyo inay taageeraan wada hadalada. Odayaashan ayaa sidoo kalena dhankooda sida xoguhu sheegayaan dhankooda horjooge Cali Khaliif u ballan qaaday inay fulinayaan qodobada uu kala hadlay ee ay ugu wayn tahay taageerada wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo,waxaana madax-dhaqameedku dhankooda ay Cali Khaliif Galaydh usoo jeediyeen in uu u sheego qodobada qarsoon ee rasmiga ah ee ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo. Odayaasha iyo waxgaradka horjooge Cali Khaliif kulanku dhex maray ayaa waxa kamid ah Oday Jaamac Xuseen,Caaqil Maxamed Ismacil Gurux, Caaqil Cabdikhaalaq Ismaaciil Muuse iyo madax-dhaqameed kale. Kulankan oo saacado badan qaatay isla markaana labada dhinac ku dhex maray guriga uu Buuhoodle ka dagan yahay horjooge Cali Khaliif ayaa la sheegay inuu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad iyo dhinac ay uga soo wada jeestaan shirkaasi abaabulkiisu Buuhoodle ka socdo ee laga soo maleegay Muqdisho iyo la taageero wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo. Gabagabdiina intaasi kadib ayaa xoguhu tibaaxeen in horjooge Cali Khaliif Galaydh u baxay dhankaa iyo deegaanka Widh-widh ee gobolka Soo loo mudooyinkii u danbeeyeyba xarun u ahayd,halkaasna uu wakhti xaadirkan ku sugan yahay horjooge Cali Khaliif Galaydh. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|