|
|||||
WAJAALE NEWS
Sedex Caruur Ah Oo Walaalo Ah Oo ku Dhintay Roobab ka Da,ay Deegaano Katirsan Gobolka Saaxil
April 19, 2024 - Written by Editor:Saddex carruur ah ayaa ku naf waayey daad kasoo rogmaday Roobab xoogan oo ka dayey deeganka xididaalay ee Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil. Roobabka ayaa gelinkii dambe shalay iyo habeenimadii xalay ka dayey deegaankaasi Gudoomiyaha degmada laasciidle Aadan Cumar Cali ayaa noo sheegay inay daadkan oo kasoo rogmaday buuralayda koonfurta laasciidle inay sababeen dhimashada 3 caruur oo ku suganaa gurigooda oo kuyaalay baadiyaha deeganka xididaalay , sidoo kale waxaa sheegay inay doodku qaateen xoolihii oo kujiraan Awrtii la raran-jiray . Waxa uu intaasi raaciyey inay daadkan ka badbaadeen ilaa shan qof oo kale oo ay qaateen , gudoomiyuhu waxaa sheegay inay wadaan tira koob ku saabsan khasaaraha roobabku u gaysteen dadka reer guuraga ah ee deeganadaasi. Dhanka kale Caruurta walaalo ah ayaa galabta lagu aasay deegaanka xididaaley Related posts:DAAWO; Aas Qaran Oo Magaalada Boorama Loogu Sameeyay Marxuum Xildhibaan Ibraahim Ciise Ka Tirsanaa ... Loolanka Loogu Jiro Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada Oo U Gudbay Marxalad Xaasaasi Ah & Xildhibaa... Daawo: Siyaasi Cabdilaahi Cirro Oo Ka Hadlay 16 Eedaysane Oo Maxkamadi Xukuntay Oo Ay Cafiyeen Masuu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|