|
|||||
WAJAALE NEWS
Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyay Xeebaha Liibiya
June 16, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(Wajaalenews)-Marakiibta badbaadada ee ka howl gala xeebaha Liibiya ayaa maalin qudha soo badbaadiyay in ka badan kun muhaajiriin ah. Waxay saarnaayeen doon ay rajeynayeen inay ku tagaan Yurub. Boqol qof oo badankoodu ka soo jeeda dalka Bangladesh oo hal mar lasoo badbaadiyay ayaa lagu soo qaaday doon yar. Tahriibayaal badan ayaa la kulma tacaddiyo jidh ahaan iyo maskax ahaanba loogu geysto Liibiya inta ay ku jiraan safarkooda. Tahriibka sharci darrada ah ee dhanka badda Liibiya laga soo galayo ayaa caqabad ku noqday Talyaaniga. Wuxuu dalkaasi qaabbilay in ka badan lixdan iyo shan kun oo muhaajiriin ah lixdii bilood ee la soo dhaafay, tiradaas oo boqolkiiba siddeed iyo toban ka badan tirada ay qaabbishay muddadan oo kale sanadkii hore. Dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto qulqulka dadka muhaajiriinta ah ayay dowladdu amartay in la dhiso lix iyo toban xarumood oo cusub oo dib u dejin loogu sameyn doono muhaajiriinta. Related posts:Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo Cambareeyay Falkii Weriyaha Gabiley Kula Kacay Askariga, Eedo Culusna U... Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Safar Ugu Baxo Dalka Imaaraadka Carabta Iyo Ujeedada Socdaalk... Wadayaasha Gaadiidka Bijaajka Magaalada Boorama Oo Sameeyay Banaan Bax Ay Kaga Cabanayaan Kor Ukaca ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|