|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Sare Ee Dastuuriga Ee JSL Oo Ansixisay Natiijada Rasmiga ah Ee Doorashada Madaxweynaha Iyo Ku xigeenka Madaxweynaha JSL.
November 27, 2024 - Written by Editor:27/11/2024-Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa Arbacada maanta ansixisay natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Madaxweynaha taasi oo muddadii uu sharcigu u ogolaanayay in laga keeno cabasho uu wakhtigeedu dhacay, geesta kale Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sheegtay in ansixinta natiijada rasmiga ah ee doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka muddadii sharcigu u ogolaa ku egtahay maalinta sabtida ee bishu tahay 30. Maxkamadda Dastuuriga ah oo ka kooban Guddida Garsoorka ee kala ah
8.Yaxye Cali Idiris …………………………………..Xubin
Oo ay kaalinayso Sahra Ismaaciil Cabdilaahi. Waxay ansixisay in doorashada Madaxweynaha uu ku guulaystay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal, halka Ku-xigeenka Madaxweyne uu ku guulaystay Mudane Maxamed Cali Cabdi Maxamuud oo labaduba ka sharaxnaa Xisbiga Waddani.
Wa bilaahi tawfiiq. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|