WAJAALE NEWS

Soomaaliland Dulmi Bey Ka Dagaalantaye Dulmiga Ay Iimaaraatka Ku Taageertey Ictiraaf Ma Ku Heli Kartaa

Waxaan Akhristaha la wadaagayaa Reer Soomaaliland waxa ay ka dagaalameen Dulmi lagula kacey ka dib markii  Shuruud la,aan kula midoobeen Soomaalia 1JULY1960 iyada oo Soomaaliland Xorriyadeeda heshay 26Jun1960 intaa wixii ka denbeeyeyna ka mid noqotey Jamuhuuriyaddii Soomaalia.Waddanka QATAR oo ah Jaziirad la mood dhinac kasta Biyo ka xigaan Albaabka keliya ee u furani na yahey Waddanka Sacuudi Arabia ayaa Mar qudha Waddamada Khaliijka Iimaaraatka, Bahrain iyo Sacuudi Arabia waxa ay saareen Cuna qabateyn Cir, Dhul iyo Badda ah iyada oo ay fulinayaan Amar uu siiyey Madaxweyneha Mareynkanka Mr Trump.Cunaqabateyntan lama filaanka ah waxa lagu soo beegay iyada oo lagu gudo jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo Ummadda Islaamku Soomantahey.Halkaa marka ay mareyso ayaa Dowladda Soomaaliland  waxa ay ku dhawaaqdey in ay xidhiidhiikii u go, esey Waddanka QATAR iyada oo aanay jirin ba xidhiidh Siyaasi ah oo ka dhexeeyey QATAR iyo Soomaaliland.Waxaana intaa ku dartey in aaney Diyaaradaha Qatar-Airways soo dul mari karin Hawada Soomaaliland, Waxa si Laab la kac ah Dadka Masaakiinta ah ee aan Siyaasad Waxba kala socon loogu sheegey in Ictiraafkii halkan ka soo dhowaadey.

Waxa Habbooneyd in aynaan ku milmin Xasaradda Laba Waddan oo Walalo ah,,Wax Gaar ah oo Dalka QATAR uu ka galey Soomaaliland aanu jirin.

Haddaba waxa aan Dowladda iyo Wax garadka Soomaaliland wey diinayaa.Dulmo ayeynu ka dagaalanaye Dulmi aynu ka galno Dad aan Waxba inoo geysan Ictiraaf ma ku helaynaa.

 

 

Ibrahim Diiriye

London:UK

ibrahimderia@yahoo.com

 

Exit mobile version