|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaybtii Koonteenarada Ee Dekeda Berbera Oo Dab Ka Kacay
June 18, 2017 - Written by Reporter:Berbera(Wajaalenews)-Wararka naga soo gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in dab ka kacay qayb kamid ah dekeda magaalada Berbera. Qaybta uu dabku kacay ayaa ah qaybta loo yaqaano Barxada Wajaale ee la dhigo Koontiinarada waa wayn. Dabkan ayaa la arkay uun markii saalada Maqrib laga soo baxay ilaa haddana lama garanayo waxa gubay,Balse dad goob joog ah ayaa sheegay in dabkan loo malaynayo inuu ka kacay mid kamid ah Koontiinarada goobta yaalay oo dab qabsaday. Wariye ka hawl gala magaalada berbera ayaa Wajaalenews u sheegay mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay uu noo sheegay in isla markiiba goobta soo gaadhay ciidamada dab-damiska oo bakhtiiyay dabkii ka kacay koonteenarada Related posts:DAAWO ; Heesta 'Madaxweyne Shacabka Somaliland Way Ku Mahadsheen" Iyo Codadka Lamaanaha fanka Mursal... DAAWO Qaar ka mid ah Odayaasha iyo dhalinyarta gabiley oo badhasaabka cusub ee gabiley loo soo magac... Daawo: “Dhariba Ninka Ugu Dhaw Ayaa Lafta Kala Baxa Qofka Ugu Horeeya Ee La Baxaya Ayaan Ahay”.Sulda... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|