|
|||||
WAJAALE NEWS
Gabadh Muslimad Ahyd Oo La La’aa Oo Maydkeeda Laga Helay Gobolka Virginia Ee Maraykanka
June 19, 2017 - Written by Reporter:Virginia(Wajaalenews) –Booliska Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in xalay la helay meydka gabadh Muslimad aheyd oo la afduubtay kadibna la dilay. Meydka gabadha ayaa lagaga tagay Masjid ku yaalla nawaaxiga Sterling. Ciidamada Booliska ayaa hadda waxaa ay gacanta ku hayaan nin 22-jir ah oo lagu magacaabo Darwin Martinez Torres, kaas oo lala xidhiidhiyay dilka gadhaasi. Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabra Hassanen waxaana ay aheyd 17-sano jir. “Nabra waxaa ay lugeyneysay dhabarka dambe ee xaruunta ADMS, gaar ahaan Masjidka meel aan ka fogeyn, waxaana ay la socotay saaxiibadeeda, musiibadana halkaasi ayeey ku qabsatay”, qof saaxiib la ahaa Nabra ayaa sidaasi yidhi. Ciidamada Police-ka ayaa markii ay heleen meydka waxaa ay xidheen inta u dhexeeysa waddooyinka Dransville Road, 7 shopping center and Sugarland Road. Related posts:"Ninka Maanta Leh Dawo Coronavirus ka Ayaan Helay, Wuu Riyoonayaa, Ee Umadda Halaga Qabto"Dr. Gaboo... Soomaali ku Geeriyootay iyo kuwo dhaawacmay Dagaallo kooxo Islaamiyiin ah ku dhexmaraya Waqooyiga da... DAAWO; Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Iyo Xisbiga Wadani Oo Canbaareeyay Xadhiga Agaasimihi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|