WAJAALE NEWS

Aniga Oo Diyaarada La Soo Socda Ayaan Ismooday In Aan Ahay Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye……!

omerDhawaan ayaad dalka dibadiisa u baxay aniga oo doonaya in aan ka mid noqdo siyaasiyiinta qurbejooga ah si markaa xisbi walba uu iigu soo joogsado

marka uu maqlo dalka dibadiisa ayuu ka yimiday waana siyaasi ruug cadaadiya oo in badan qurbaha ku maqnaa hadii aanan dalka dibadiisa iska shaaraxin waxa laymoodayaa in aanan  siyaasi ahayn oo aan xisbiga u soo shaqo doonatay .

Hadaba waxa aan baraha bulshada in badan ku maqli jiray waa mid ka mid ah nusdambeeka xisbiyadda qaranka oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada hargeisa.

Intaa ka dib aniga oo diyaarada la soo socda ayaan ismooday in aan ahay siyaasi ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye markiiba waxaan soo wacay qaar kamid ah eheladayda oo aan ku idhi airport ka ugu soo dhaweeya oo waxad soo qadataan astaanta xisbiga kulmiye si aan u noqdo nisdambeedka kulmiye oo waxa aan aamin sanahay in meelka saraysa nusdambeedka in anay jirin cid kugu qabsanaysa.

Aniga oo ka shaki qaba in aan ku guuldaraysto in laygu soo dhawayn waayo madaarka caalamiga ah ee cigaal international airport ayaa waxa aan dhow jeer telephoonka ku soo celceliayay markii ay diyaaradu nala soo martay Addis Ababa ee dalka Ethiopia mid ka mid ah dadkii ka qayb qadanayay soo dhawayntayda oo aan ku idhi warbaahintana iigu yeedh hadiii kale cidi i ogaanmayso in aan ahay nusdambeedka xisbiga kulmiye oo dalka dibadiisa ku maqnaa “QURBEJOOG”.

Nasiib wanaag waxa ii suurto galay riyadaydii aan ku hamiyay ee dhawaanta ugu dhalatay isla markiiba waxa ay noqotay mid rumoowda.

Hadlkaana waxa aan ka mid noqday ninkii ugu horeeyay ee kaligii is caleema saara isaga oo aan masuuliyiinta xisbiga cidna ku wargalin in uu ku soo biiro ama ka mid noqdo xubnaha xisbiga kulmiye.

Laakin waxaan aad ugu farxay markii qaar kamid ah warbaahinta oo igu sugaysa madaarka cigaal international airport ee magaalada hargeisa aan arkay markii dambena waxaba soo dhawayntaydii laga sii daayay mid ka mid ah televisionada dalka ka hawlgala oo la yidhi “waxa magaalada harageisa si diiran loogu soo dhaweeyay aqoon yahan CUMAR AXMED CALI (KAAR) oo dalka dibadiisa safar shaqo ugu maqnaa”.

Si aan u sii wato himiladayda aan rajaynayo in aan ku guulayso waxa aan madaarka ka jeediyay khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa isla markaan lama ilaawan ku noqotay bulshada reer somaliland ileen waxa aan ahay nusdambeedka xibsiga “insha allah waxa aan shaqo abuur u samayndonaa dhaliyaradda oo ah mustaqbalka dalka run ahaantii waa meesha ugu muhiimsan ee u baahan in wax lagu qabto oo la dhiiri galiyo “.

Markiiba waxa ii hambalyeey nusdambeedkii xisbiga oo aad iigu mahadceliyay sida aan khudbada taariikhiga noqotay u jeediyay bulsho waynta reer somaliland gudo iyo dibadba

Laakiin anigu sidaaba ismaan moodayn ee ileen waxa aan ka mid ahaa siyaasiyiinta qarsoon ee ah nisdambeedka xisbiga waxanan rajaynayaa in aan noqdo labeenta xisbiga kulmiye

Independent journalist

Abdiqadir Habane

Exit mobile version