Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Sii Adkaysay Go,aankii Ay ku Joojisay Caleemo Saarka Salaadiinta Iyo Amar Ay Shaacinayso In Aan Cid kale Laga Daba Caleemo Saari karin Suldaanka Beesha Cabdiraxmaan Sacad Soo Saaray , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Sii Adkaysay Go,aankii Ay ku Joojisay Caleemo Saarka Salaadiinta Iyo Amar Ay Shaacinayso In Aan Cid kale Laga Daba Caleemo Saari karin Suldaanka Beesha Cabdiraxmaan Sacad Soo Saaray ,
April 24, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N) HALKAN KA AKHRI ;Wasiirku Xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha ee  Gobolada iyo degmooyinka Jaamac Biin Ayaa soo saaray qoraal uu kusii adkaynayo wareegtadii ay wasaarada arimaha guduhu ku joojisay caleemo saarka madaxdhaqameedka.

Wasiirkuxigeenka Arimaha gudaha jaamac biin oo ah Masuulka kaliya ee xiligan kala socod siiya hawlaha shaqo ee Wasaarad arimaha gudaha ayaa  wareegto uu kusii adkeeyay  go,aankii wasaaradu ku joojisay caleemo saarka madaxdhaqameedka  taasi oo ujeedadeedu tahay in aan la ogalayn cid danbe oo laga daba caleemo saaro suldaan guud ee beesha cabdiraxmaan sacad oo dhawaan lagu caleemo saaray magaalada hargaysa,

wasiirkuxigeen arimaha gudaha jaamac biin

Qoraalkan kasoo baxay xafiiska wasiirku xigeenka ayaa lagu socod siiyay  gudoomiyaha gobolka maroodi jeex qoraalkan oo ay dulucdiisu tahay in xukuumadu suldanka beesha abdiraxaamn sacad u aqoonsan tahay suldaankii dhawaan la caleemo saaray oo  isagu dhaxal kuyimid xukuumaduna aanay ogalayn in cid danbe  aan   caleemo saari karin

Sidoo kalena qoraalkan ayaa badhasaabka gobolka maroodi jeex lagu farayaa in uu sidaa la socodsiiyo hudheelada iyo goobaha kale  cidii ku kacdana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan

Halkan ka akhri nuxurka qoraalkan oo qayb kamida ay heshay shabakada wararka ee wajaalenews;

warqad kale 2

 

COMMENTS
LINKS