|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Madoobey Oo Sheegtay Tirada Dadka u Dhintay Cudurka Shuban Biyoodka Dalka Soomaaliya.
April 14, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N Qaramada Madoobey ayaa sheegtay in tan iyo markii ay abaaraha ku dhufatay qaybo ka mid ah Soomaaliya ay cudurrada daacuunka iyo shuban biyoodka u dhinteen 500 Qof, halka kumanaan kalana la ildaran yihiin. Hay’adda QM u qaabilsan caafimaadka WHO ayaa walaac ka muujisay nolosha 25,000 oo haatan la liita xanuunno, waxayna intaa ku dartay inay xaaladda ka sii dari karto tan iyo dabayaaqada Bisha June ee soo socota. WHO ayaa dhankeeda ku sheegtay tan iyo billoowgii Sanadkan inay dadka u geeriyooday Daacuunka iyo Shubanku gaarayaan 524, halka hay’adda bini’aaddannimada ee QM (UN-OCHA) ay ku tilmaantay in ay dhimmashada gaareyso, 533 oo Qof. Hay’adda ayaa sheegtay ugu danbeyntii in dad badan oo ku nool aduunka dacaladiisa ku nool in ay sanad walba u dhintaan biyo wasakhaysan oo ay cabeen.
WAJAALENEWS DESK Related posts:Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Ee Wakhtigeedu Mudadada Kooban Ka Hadhsantahay Oo Wali Ku Mashquulsan... Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Silaanyo oo dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada... WADDANI oo Sheegay Inuu Garab Taagan Yahay Xukuumada Somaliland, Hadalkii Somaliyana Ku Tilmamay Ilm... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|