Shaqaale Ajaaniba Oo Durba La Keenay Dekeda Berbera Xili Ay Xukuumada Siilaanyo Shaqada Ka Caydhinayso Shaqaalihii Ee Hore Uga Hawlgali Jiray Iyo Dareenada Ku Xeeran. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaale Ajaaniba Oo Durba La Keenay Dekeda Berbera Xili Ay Xukuumada Siilaanyo Shaqada Ka Caydhinayso Shaqaalihii Ee Hore Uga Hawlgali Jiray Iyo Dareenada Ku Xeeran.
March 9, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (Wajaalenews)  XOG CULUS  Xukuumada somaliland ayaa tan iyo intii ay ku jirtay wareejinta dekeda berbera  shacabka u balan qaadaysay in ay dhalinyarada somaliland fursado shaqo abuara ka Helayaa Maalgashiga ay Dekeda Berbera ku samaynayso Shirkada DP word oo laga leeyahay Dalka Emaraadka carabta tasi oo rajo galisay badi dhalinyarada dalka ee baxaya jaamacadaha dalka gudihiisa iyo dibadasiiba.

SHAQAALE BERBERA

Sidoo kale  arinta shaqo abuurka ayaa hayd qodobka kaliya ee xubnaha xukuumada silaanyo ee wareejinta dekadan hormuud uhaa ay ku ololaynayeen,

Hadaba waxaa dekeda berbera oo 03/03/2017  Mareeyaha dekeda berbera Sheegay in ay ku Wareejiyeen Xubno ka socday shirkada Dp word iyagoo maalmo ka horna sheegay in ay shaqaalihii dekeda hore uga hawlgali jiray ay siiyeen xaqoodii, halka qaybo kamida shaqada laga caydhiyay

Shabada wararka ee wajaalenews oo maalmihii udanbeeyay u kuur gashay hawlaha cusub ee ka socda Dekeda berbera iyo sida aywax uga socdaan ayaa  Waxay Heshay xogo culus oo ka qarsoonaa shacabka reer saxil iyo gabi ahaanba bulshada somaliland iyadoo  bedka soo dhigeen arimaha huursan ee ka socda dekeda berbera  xili durba soo gaadheen shaqaale ajaaniba oo laga kala keenay dalalka Hindiya Masar Iyo Kenya

Sidoo kale  xogahan aanu helay dekada berbera iyo dhacdooyinka ka socda  xiligan ayaa debada soo dhigay in masuulka ugu sareeya maamulka shirkadani keensatay uu kasoo jeedo dalka Masar Kaasi oo shaki wayn galiyay bulshada llana xidhiidhiyay wararki hore ee sheegayay  in ay shirkadan  kulamaantay xulufadan berbera la wareegaysa

Dhanka kale waxaa durba bilaabantay in shaqaalihii somalilanderka ahaa lagu badadlo   kuwo ajaaniba oo laga kala keenay dalal aynu kor kusoo xusnay

Si kastaba ha ahaatee Dekeda Berbera ayaa xiligan u muuqata mid gabi ahaanba debeda laga dhigayo shacabka gobolka saaxil halka boob xoogana uu ka socdo dhulka ku xeeran dekeda berbea ee la filayay in ay shirakadi kusamaynayso balaadhin deked  cusub oo lagu qisaay in ay leeg tahay 400m.

 

WAJAALENEWS DESK’

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS