Reer Somaliland taariikh ma leh ,waana umuli ilow shiiye dhawaa . Maanta waxa xuska maalintii dhalinyaradda lagu marti qaaday Eng Faysal Cali Waraabe, una sharaxan Madaxwayne ,isla markaana ah Dilaalka ugu wayn ee Dekedda & Airportka Berbera. Oday Cabdi Laangadhe , oo ay jifo hoose wadaagaan ,weli wuxuu dilaalista ku taageera Eng Faisal .Qormooyinki hore waxaan ku iftiimiyay ujeedooyinkii uu General Gaani jeelka uga soo saaray Eng.Faysal Cali Waraabe oo u xidhna xatooyo xoolo dadawayne ; Shirkii uu Eng Faysal ku qabtay guriga Muj Axmed Xussein Caaby August 1981; soo jeedinta qorshahii lagu taageeraayay Taliskii Siyaad Barre; diidmadii dhalinta “UFFO”;Xidhitaankii Axmed Jabane 2nd Nov, 1981;Maxamed Baruud 4th Nov,1981 iyo 26 eedaysane oo kale. .Taliskii Siyaad Barre wuxuu u soo diray 3 qareen oo kala ahaa Avocate Ismaciil Jimcaale, Faisal Xaaji Jaamac iyo Xussein Bille. Saddexda qareen waxa loo ogolaaday inay eedaysanayaasha la kulmaan muddo dhan 10 daqiiqo oo qudha . Waxa Maxkamadda Badbaadada “ Security Court “ la keenay 19th February,1982 waxaana loo dhiibay warqad ay ku qorantahay denbiyada loo haysto oo ahaa “ Qaran-dumis , Abuuris Urur Xaaraan ah iyo khal-khalgelin nabadeglyo “. Waxa kale oo warqadda ku qorna ciqaabta ay mutaysan doonaan oo ahaa “Dil- Capital Punishment ” ayadoo loo cuskan doono “ Article 1 of Law No 54 “. Waxa qudha ee cadayn loo hayay wuxuu ahaa nuqul “Joornaalka UFFO” oo uu Guriga Axmed Jabane kasoo xaday Oday Cabdi Laangadhe, oo iminka deggan Hargeisa , kana mid ah odayaasha dhawaan Eng Faysal ku bogaadiyay inuu mar saddexaad isu sharaxo Madaxwayne. Oday Cabdi laangadhe wuxuu Joornaalka “UFFO” u dhiibay Eng Faysal Cali Waraabe , oo gacanta ka saaray General Gaani, kana qaatay cheque dhan So. Sh.40.000 ( equlvalent $ 6,290 ).
Markii uu warka Maxkamadaynta iyo eedaynta dilka uu gaadhay bulshada Hargeisa, waxa bilaabmay kacdoonkii Dhagax-tuurka ee dhacay 20th February,1982. Dhalinyaro badan ayaa dhaawac iyo dhimasho soo gaadhay, waxaana la xidhxidhay Macalamiin, Dhakhaatiir iyo Ganacsato waawayn oo loo taxaabay jeelka Mandheera.
Xukunkii Maxkamadda Badbaadada.
Waxa lasoo taagay 28th Februaray,1982 -Maxkamadii Badbaadada uu Guddoomiye ka ahaa Shariif Sheekhuna Maye. Waxa ku markhaati furaayay madaxdii Taliska Siyaad Barre oo kala ahaa -Daahir Ciid Elmi, Taliyahii Ciidanka Hangashta; Kornayl Shaatiguduud,Taliyahii Nabad-sugidda; Kornayl Cali Xasan Diinle, Taliyahii Bileyska; Laba-xiddigle Qaasim Yuusuf Cali iyo Saddex-Xidigle Cali Gaani Axmed . Oday Cabdi Laangadhe iyo Adan Cali Guhaad markhaati kumay furin oo tolkood ayaa u tahriibiyay dalka Ethiopia . Eng Faysal wuxuu ku noqday Xamar.Xukunkii Maxkamadda waxa lagu dhawaaqay 6th March,1982. Waxaana loo xukumay sida soo socota :
XABSI DA’IN “ Life Imprisonment”
Mohamed Barud Ali – Geologist/Chemist
Ahmed Mohamed Yusuf “Jabane” – Teacher
30 SANNO
Mohamed H. Mohamoud Omar Hashi – Economist
Abdirahman Abdillahi Haji Adan – Civil Servant
25 SANNO
Mohamed Ali Ibrahim – Head of Self-Help Scheme
20 SANO
Adan Yusuf Aboker – Medical Doctor
Ahmed Hussein Abby – Banker
Hussein Mohamed Dualeh “Berbarawi” – Teacher
Dr. Mohamed Sh. Hassan Tani – Medical Doctor
Abdillahi Ali Yusuf “Olad” – Veterinarian
Osman Abdi Meygag – Medical Doctor
Adan Warsame Saeed – Economist
Yusuf Abdillahi Kahin – Farmer and Businessman
Bashe Abdi Yusuf – Businessman
8 SANO
Ahmed Muhumed Madar – Biologist
Mohamed Abdi Jiir – Teacher
Mohamed Ma’alin Osman – Teacher
3 SANNO
Ali Egeh Farah – Civil Engineer
Omer Issa Awaleh – Civil Servant
Mohamed Ali Sulub – Medical Doctor.
Waxaan soo ban dhigi doona nuqul ah Jeega Wareega “ Circular Cheque “ oo dhan So.Sh 40,000 oo ku qoran Eng Faysal Cali Waraabe oo uu saxeexay General Gaani, marka la gaadho Ololoha Doorashada. Waa nasiib darro in Eng Faysal lagu soo casuumo munaasabadaas. Waxay ahayd in Maxkamad la saaro.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.
yhoodo@yahoo.com