XUKUNKII UFFO 28 FEB 1982 , DOORKII ENG. FAYSAL CALI WARAABE & ODAY CABDI LAANGADHE ” SAWIRO XASUUS REEB AH “. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XUKUNKII UFFO 28 FEB 1982 , DOORKII ENG. FAYSAL CALI WARAABE & ODAY CABDI LAANGADHE ” SAWIRO XASUUS REEB AH “.
February 21, 2017 - Written by Editor:

Reer Somaliland taariikh ma leh ,waana umuli ilow shiiye  dhawaa  . Maanta waxa xuska maalintii dhalinyaradda  lagu marti qaaday  Eng Faysal Cali Waraabe, una  sharaxan Madaxwayne ,isla markaana ah Dilaalka ugu wayn ee Dekedda & Airportka Berbera. Oday Cabdi Laangadhe , oo ay jifo hoose wadaagaan ,weli wuxuu dilaalista ku taageera Eng Faisal .Qormooyinki hore   waxaan ku iftiimiyay   ujeedooyinkii uu  General Gaani jeelka uga soo saaray Eng.Faysal Cali Waraabe oo u xidhna xatooyo xoolo dadawayne  ;  Shirkii uu Eng Faysal  ku qabtay guriga Muj Axmed Xussein Caaby  August 1981; soo jeedinta  qorshahii lagu taageeraayay Taliskii Siyaad Barre; diidmadii dhalinta “UFFO”;Xidhitaankii Axmed Jabane  2nd Nov, 1981;Maxamed Baruud 4th Nov,1981 iyo 26 eedaysane oo kale. .Taliskii Siyaad Barre  wuxuu u soo diray 3 qareen  oo kala ahaa Avocate  Ismaciil Jimcaale, Faisal Xaaji Jaamac  iyo Xussein Bille.  Saddexda  qareen waxa loo ogolaaday inay eedaysanayaasha la kulmaan muddo dhan 10 daqiiqo oo qudha . Waxa Maxkamadda Badbaadada “ Security Court “ la keenay 19th February,1982  waxaana loo  dhiibay warqad ay ku qorantahay denbiyada loo   haysto oo ahaa  “ Qaran-dumis , Abuuris Urur Xaaraan ah iyo  khal-khalgelin nabadeglyo “. Waxa kale oo warqadda ku qorna ciqaabta ay mutaysan doonaan oo ahaa “Dil- Capital Punishment ”  ayadoo loo cuskan doono  “ Article 1 of  Law No 54 “.  Waxa qudha ee  cadayn loo hayay wuxuu ahaa   nuqul  “Joornaalka UFFO”  oo uu  Guriga Axmed Jabane kasoo xaday Oday  Cabdi Laangadhe, oo iminka deggan Hargeisa , kana mid ah odayaasha dhawaan Eng Faysal ku bogaadiyay inuu mar saddexaad isu sharaxo Madaxwayne. Oday Cabdi laangadhe wuxuu Joornaalka “UFFO” u dhiibay Eng Faysal Cali Waraabe , oo gacanta ka saaray General Gaani, kana qaatay cheque dhan So. Sh.40.000 ( equlvalent $ 6,290 ).

xusuus 3

Markii uu warka Maxkamadaynta  iyo eedaynta dilka uu  gaadhay bulshada Hargeisa, waxa bilaabmay kacdoonkii Dhagax-tuurka ee dhacay  20th February,1982. Dhalinyaro  badan ayaa dhaawac iyo dhimasho soo gaadhay, waxaana la xidhxidhay Macalamiin, Dhakhaatiir iyo Ganacsato waawayn oo loo taxaabay jeelka Mandheera.

xusuus 2

Xukunkii Maxkamadda Badbaadada.

Waxa lasoo taagay  28th Februaray,1982 -Maxkamadii Badbaadada  uu Guddoomiye ka ahaa Shariif Sheekhuna Maye. Waxa ku markhaati furaayay madaxdii Taliska Siyaad Barre oo kala ahaa -Daahir Ciid Elmi, Taliyahii Ciidanka Hangashta; Kornayl  Shaatiguduud,Taliyahii Nabad-sugidda; Kornayl Cali Xasan Diinle, Taliyahii Bileyska; Laba-xiddigle Qaasim Yuusuf Cali iyo Saddex-Xidigle Cali Gaani Axmed .  Oday Cabdi Laangadhe iyo Adan Cali Guhaad  markhaati kumay furin oo tolkood ayaa u tahriibiyay  dalka  Ethiopia . Eng Faysal wuxuu ku noqday Xamar.Xukunkii Maxkamadda  waxa lagu dhawaaqay 6th March,1982.  Waxaana loo xukumay sida soo socota :

 

XABSI DA’IN “ Life Imprisonment”

Mohamed Barud Ali – Geologist/Chemist

Ahmed Mohamed Yusuf “Jabane” – Teacher

30 SANNO

Mohamed H. Mohamoud Omar Hashi – Economist

Abdirahman Abdillahi Haji Adan – Civil Servant

25 SANNO

Mohamed Ali Ibrahim – Head of Self-Help Scheme

20 SANO

Adan Yusuf Aboker – Medical Doctor

Ahmed Hussein Abby – Banker

Hussein Mohamed Dualeh “Berbarawi” – Teacher

Dr. Mohamed Sh. Hassan Tani – Medical Doctor

Abdillahi Ali Yusuf “Olad” – Veterinarian

Osman Abdi Meygag – Medical Doctor

Adan Warsame Saeed – Economist

Yusuf Abdillahi Kahin – Farmer and Businessman

Bashe Abdi Yusuf – Businessman

8 SANO

Ahmed Muhumed Madar – Biologist

Mohamed Abdi Jiir – Teacher

Mohamed Ma’alin Osman – Teacher

3 SANNO

Ali Egeh Farah – Civil Engineer

Omer Issa Awaleh – Civil Servant

Mohamed Ali Sulub – Medical Doctor.

xusuus 1

 

Waxaan soo ban dhigi doona  nuqul ah Jeega Wareega “ Circular Cheque “ oo dhan So.Sh 40,000  oo ku qoran Eng Faysal Cali Waraabe oo uu saxeexay General Gaani, marka la gaadho Ololoha Doorashada.  Waa nasiib darro in Eng Faysal lagu soo casuumo munaasabadaas. Waxay ahayd in Maxkamad la saaro.

 

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

yhoodo@yahoo.com

 

COMMENTS
LINKS