WAJAALE NEWS

“Wuxuu U Xidhan Yahay Maxamed Baashe Xaji Xasan Afar Qof Oo Casaabad Ah Oo Dhalashada UK Haysta”. Aqoonyahan Mohamed Hagi

Xadhigga Maxamed Baashe Xaaji Xasan ma aha mid dawladnimo ku taxalluqa oo amni, siyaasad iyo arrin dhaqan midna ku lug leh. Ma jirto dawlad xidhay amma hay’ad amni oo aragtidiisa shakhsiga ah ee uu xorta u yahay cabsi ka muujisay.

Maxamed deegaan uma xidhna, dacwad madanni ah uma xayirna, siyaasad xukuumadeedna loo ma taxaabin, waayo hay’ad dawladdeed iyo mid bulsho midna ma soo dacweyn sida maxkamaddu ku war-galisay ciddii soo taxaabtay.

Maxamed waxa uu u xidhan yahay afar qof oo casaabad ah, oo dantooda iyo xoolaha umadda ee ay ku tasarifayaan u arkay in uu khatar ku yahay. Somaliland afar qof ma leh afar milyan ayaa leh.

Afartaa qof ee xadhigga Maxamed ku soo arooray waxa ay sitaan oo ay muwaadiniin ka yihin dalkan UK. Way yaqaaniin sida sharciga dalkani u shaqeeyo iyo in aan cidna tacaddi dulmi ah awood dawladnimo loo gu gaysan karin.

Waa markii labaad ee aan si public ah uga hadlo xadhigga Maxamed. Cidda aan la hadlayaa waa ay is garanneysaa, waxa idiin roon in aad xoriyaddiisii u soo celisaan ileen meel aad ka nugushihiin oo dhib weyni idiinka iman karo ayaa jirta eh.

Haddii xadhigga Maxamed aad si sharciga waafaqsan u mari waydaan, waad ogtihiin in aad dulmi iyo caddaalad darro ku xabbisteen e, waa hubaal in dacwadi UK idinka huran tahay. Meel dheer ma jirto waa iyada oo halkan File kaliya laga xareeyo. Waxa la idinku dhawrayaa waa sharafka umadda ee dawladnimo ee aad huwan tihiin, taas ayaa noo diiddaysa in aan eedaysanaya idinka dhigno idinka oo British Citizens ah.

Haddii ay dadku hanti iyo awood dawladnimo idin kula xisaabtami waayeen waa gar in sidii aad doontaan u dhaqantaan? Se waa la xishoodaa e, xishooda oo umadda magac dilka ka daaya waa la noolaan doonaa eh.

Waa in Maxamed sida ugu dhakhsaha badan loo soo daayaa, afartaa shakhsi ayaan la hadlayaa, ma aha dawladda iyo cid kale oo ka baxsan afar qof.

Mohamed Hagi Mohamoud

Exit mobile version