|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Ciidamada Loo Yaqaan RRU da Oo Hada Xabsiga U Taxaabay Muj.Xamarje
February 11, 2017 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)waxaa mar dhawayd ciidamada booliska Somaliland ay jeelka U taxaabeen Muj. Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarje) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga Wadani. Lama Oga ujeedada rasmiga ee ka danbaysa xadhiga muj. Xamarje balse wararku waxa ay sheegayaan in xili saacad ka hor ah oo ku siman 12 kii habeenimo ee caawa ay ciidamada Boolisku ka kaxaysteen gurigiisa oo ku yaala xaafada sheedaha waxaana haatan uu ku xidhan yahay mujaahidku saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa. Si kastaba ha ahaatee xadhiga mujaahidka ayaa loo aanaynayaa in uu la xidhiidho sas ay xuukuumadu ka qaaday mooshinka maalinta bari golayaashu ku ansixinayaan daldhiga militari. Related posts:Wasiir Cukuse Oo Tvga Qaranka Iyo Radio Hargeysa Ka Mabnuucay Heesaha Abwaan Laab-Saalax waa maxay s... Dr Gaboose Iyo Cabdilaahi Dirawal Oo Ku Hungoobay Dalab Ay Ula Tageen Gudoomiyaha Golaha Guurtida So... Daawo:Geed Farabaas Ku Haya Deegaanada Somaliland Oo La Ogaaday In Laga Sameeyo Buskud Iyo Keeg COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|