Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho.
Maqaalkan Kooban waxaan doonayaa inaan mar kale fikirkayga kaga dhiibto arrintii beryahanba hadalhaynteedu taagnayd, oo maalmahana xaraaradeedu kor u yara kacday ee ahayd, “Saldhigii Milateriga ee Caalamiga ahaa ee Berbera oo laga kiraynayo dawladda Imaaraadka Carbata (UAE)”.
Mar sii horaysay ayaan si kooban fikirkayga uga cabiray arintan maqaal Cinwaankiisu ahaa “Saldhig Milateri: Xul – mise waa Xal”.. Qaybtaa hore ee qoraalkayga waxay gebagebadiisu ahayd in dawladduna dadkeeda talada ka qaybgeliso si ballaadhan muhiimadda arintani leedahay darteed, dadweynaha iyo hormoodkiisuna aanay arinta budhka kala hortegin ee lasoo dhoweeyo aadna loo dhuuxo lagana fekero sidii waxyeeladiisana laysaga yarayn lahaa wixii faa’iido inoogu jirana aynu sida ugu fiican ugaga faaiidaysan lahayn. Ka tix raac maqaalkii hore mareegahan: http://bandhige.com/saldhig-milateri-xul-mise-xal-wq-cabdiraxmaan-caydiid/;http://waaberinews.com/saldhig-milateri-xul-mise-waa-xal-wq-craxmaan-caydiid/; http://karinnews.com/articles/10879/SALDHIG-MILATERI-XUL-MISE-WAA-XAL-W-Q-C-RAXMAAN-CAYDIID
Maqaalkan hadda (ama Qaybtan Labaad) waxaan is yara dultaagayaa, Inshallah, Mawaaqiifta kala duwan ee arinta layska taagay iyo sida ugu dhow ee masalaxadda umadda loo dhawri lahaa, mid dhaw iyo mid dheerba.
HORDHAC
Dan Qaran marka laga hadlayo, waxa jira waxyaalo badan oo ay tahay in aan aad loo dhex dabaalan amaba aan aad lookala bixinin oo banaanka caamka ah lasoo dhigin, balse ay tahay inay ku ekaadaan ciddii xilkeeda lahayd oo iyana talagelisa cid kasta oo ay danteeda taabanayso. Laakiin horaa loo yidhi “Kitaab Qandigiisii loo diiday Dan Baa Sayaxa Badday”. Haddii markaa ciddii hawsha lahayd ka yara gaabiso dan bay noqon in laga hadlo. Dunida halwlaha muhiimka ah ee taabanaya masiir umaddeed waxy u samaysteen Madalo iyo Macaahid Cilmi Baadhiseed oo ay ku daraaseeyaan kagana hadlaan halkaaas oo wixii kasoo baxa Siyaasiyoontooda Iyo Dadkooda Go’aamada Gaadhayaaba ka shidaal qaataan. Inaga taasi manta ma jirto dadkeena aynu aqoon iyo hormuud ku tuhmaynaana ma haystaan meelo sidaas oo kale ah oo ay ka shidaal qaataan, Sidaaas darteed dawladda (Xukuumadda) waxa la guboon had iyo goor inay diyaariso Madal iyo Golayaal arimahan lagaga doodo. Haddii kale yaan lala yaabin in cid waliba ka hadasho wixii ay u aragto inay danteeda iyo danta dadkeeda taabanayso, sida Saldhigan imika arinkiisu taagan yahay oo kale.
DOODAHA TAAGAN
Xukuumaddu iyadu aad ugama hadasho in arinkan, marka laga yimaado wasiirada qaarkood oo iyaguna si kooban uga falceliyay hadalo dadka dhalliisan barnaamijka kasoo yeedhayay, oo aan filayo in ay iyaguuni is xilqaameen, laakiin midkoodna aanu sheegin inuu afka xukuumadda ku hadlayo. Anigu weli ma arag mana dhegaysan Madaxweynaha oo arinkan ka hadlaya, sidoo kale ma arag war saxaafadeed Afhayeenkiisu la soo istaagay oo qodobaysan oo mawqifka Xukuumadda lagu cadeeyay (haddaanan ka war qabin waa lay sixi karaa). Guud ahaan markaad halkaa ka qiyaasto Xukuumaddu arintan qunyar socod bay ka tahay, waana gartood oo arinka ayaa culayskiisa le.
Dhinaca kale dadka mawqifkan diidan markaad dhegaysato ama akhrido qoraaladooda waxaa kuu soo baxaysa inay Laba Qaybood u qaybsameen. Waa qolo taagan bahalkaa yaan laynoo soo dhowayn iyo qolo odhanaysa iyadu ogoli laakiin saluugsan waxa lagu bedelanayo oo tuhunkoodu yahay in aanay wax buuran ahayn. Haddaynu soo koobno waxyaalaha diidmada laga muujiyay waa laba. Midda koowaad waa arinta Amaanka oo dadku leeyihiin UAE inama difaaci karaan haddii Saldhiga dartii colaadi inooga timaado Waddamo kale oo u arki kara inuu khatar ku yahay, sida dalka Yemen oo imika dagaalo ka socdaan. Waxaa kale oo ay walaac ka muujinayaan inay saamayso xidhiidhka aynu la leenahay Ethiopia. Waxa kale oo laga dhawaajinayaa Masaaridu door intee lee’g ayay ku yeelan kartaa kuluglahaanshaha dhaqdhaqaaqa Saldhigga, iyadoo la ogyahay in dhowaan Ethiopia Masar ku eedaysay inay lug ku lahayd mudaaharaadadii Ethiopia ay ka dhigeen qawmidaha qaarkood. Marka laysku soo xooriyo dhamaan afkaaraha arinka diidan waxay kusoo uruurayaan “Waar Yeelkeede Dhib Kastaba Hayska Watee Waa Ugu Badheedhaynaaye ..Bahalku Ictiraaf Maynoo Goynayaa…??”
DOORKA SOMALIYA
Aniga horta Ilaahay Baa Iga Og Iyo Intii Kale ee Wax Isla Og, oo ma odhan karo Xassan Sheik baa saxeexay heshiiska Berbera iyo saldhiga laga bixinayo. Laakiin mid baan jeclahay inaan halkaan ku bayaamiyo. Kow, horta Somaliland inay tahay dal jira oo Awood Dawladnimo ka taliso wax aanay iyadu ogolaanina aanay halkan ka soconayn waa Xaqiiqo Jirta oo aan la dafiri Karin. Ninkii Madaxweynaha Somalia wax u soo saxeexo oo aanay Somaliland raali ka ahayn isagaa og halkuu Caroogiisa ka tumayo, halkan kama soconayso weeye. Midda labaad in dawladda Muqdisho tahay dawladda Sharciga ah, Caalamiyanna Loo Aqoonsayahay wixii tasaruffad dawladnimo ah ee ku saabsan Wadankii hore loo odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliya iyana waa xaqiiqo kale oo jirta oo aan laga gubi Karin. Sidaas darted nina Jeegagii oo bannaan ayuu haystaa nina saxeexii ayuu haystaa baynu odhan karnaa (marka laga hadlayo heshiisyada caalamiga ah). Markaa Xassan Sheik inuu saxeexay iyo in kale ciddii og ayaa inoo sheegi. Midda kale miyaynu u baahanahay inuu inoo saxeexo heshiisyo caalami ah, haddiimetelan laynagu xidho?. Haddii loo baahanyahay habkee?……iyo qaabkee?….loo wajahayaa?. Aniga Fikirkayga Arintaa Waxaan Ku Dhaafi Wixii Danteena Ah Uun Aan Ka Raacno.
SALDHIGU ICTIRAAF MA GOYNAYAA?
Waa Cinwaanka Maqaalkeena-e, aan isku dayo inaan ka jawaabo. Haddaan dee ka jawaabi kari waayana hayla yaabina, hagrasho ma jirto-e, waa intaan karayo uune.
Horta Ictiraaf Siyaasiya Aadyar Cidi Isma Siiso, Layskumana Casuumo. Go’aanka Siyaasiga Ahi Markuu Taaganyahay Oo Aad Qaadato Ayaa Kow Ka Ah Helitaankiisa. Sideedabana Mawaaqiifta Siyaasadda lama aamaahdo, oo haddii annad makay arintu taagantahay go’aankeeda qaadan waa fursad ku dhaaftay, inta baddana ma soo noqoto. Tusaale ahaan sanadkii tegay Sucuudiga yaa Iran xidhiidhaka u jaray, waddamo kalena way ku taageereen oo iyana nasuulkay usii raaciyeen iyagoo filaya in Sucuudiga dhaqaalihiisa tanaaday wax kasoo gaadhaan. Dawladda Somalia ayaa iyana talaabadaas qaaday oo eriday wixii haya’do gargaar ka joogay Iran Muqdisho iyo guud ahaan Somalia.
Somailland markaa mawqif siyaasiya oo arintaa ku aadan may qaadan. Hadday qadan lahayd maantaba aayar oo dhalatay xoolaha lagama joojiyeen. Tusaale kale wuxuu ahaa markii inqilaabkii fashilmay ka dhacay Turkiga, Dawladda Turkigu waxay ku dedaashay in wixii Mr. Gulan oo loo tiiriyay maskaxdii ka dambaysay inqilaabka wixii ku abtirsadaba xididada loo siibo. Dawladda Muqdisho Mawqif Siyaaasi ah oo ay ku raali geleinayso Turkey ayay markiiba qaaday, wax alla wixii Gulan Haya’do loo tirinayay inuu lug ku leeyahayba waa la caydhiyay, bedelkeedana Turkey taageeradii dhinacwalba ayay u buurtay Mogadishu. Somaliland doorkan shaxda way yara fahanatay oo waxay tidhi anaga Dugsiga Nile dembi nagama gelin sidaas darted waxaanu xidhaynaa ma jirto. Turkey waa yaabay waxaa u caddaatay in meesha awood kale ka jirto oo qalinka Xasan Sheik aanu halkan ka shaqaynayn. Markaa waxa weeye yacnii isguul iska xidh uun maahee, maxaan ku xidhaa dee ayaa barbartaal sow maaha. Sidaas Darteed Xassan (M/weynaha Somalia) ayaa saxeex haysta marar badan macno weyn samayn mayso.
Midda kale waxa weeye Ictiraafku wuxuu u baahanayhay inaad khatar u badheedho maraka qaar (Risk-taking). Waxa aad looga walaacay khatar amni baynu gelaynaa, wax iskama dhicin karno, bad hayna gelinina…Iwm. Waan idinla qabaa fikirkaa, waa run cabsidaasi waanay jirtaa. Laakiin dib u yara noqo taariikhda Dagaalku faa’iidooyina wuu keenaa khasaarena wuu keena, khasaaruhu haba badnaadee. Tusaale ahaan lagasoo bilaabo 1991 Somalia waxa ka socday dagaalo, iyo hirdan siyaasiya (mid Caalami ah iyo mid Goboleedba). Intaas waxa ku qulqulayay hub (mid sharciya iyo mid aan sharci ahayn oo kontrabaan lagu geliyayba). Haddaba, Adigu (Somaliland ahaan) dawlad la ictiraafsanyahay oo hub si sharci ah usoo iibsan kartana ma tihid, Xasaradona kama taagna meeshaada oo asbaab wax lagugu siiyo ma jiraan, adna maad abuurin mashaariic….kolkaa Eesh Qiyaasak, dee ma intii aad Siyaad Barre kala wareegtay ayuun bad masraxa lasoo taagnaan weligaa.
Waxay ila tahay sax maaha inaad waxa dunida iyo hareerahaaga ka socda aad iskaga aamusnaato (indifferent!)..doorkaaga waa inaad qaadato meeshii ay suuragal tahayba.. Hal-kudheg afka qalaad ku qornayd baa ahayd “ Ma Odhan Kartid Aniga Libaaxu Ima Cunayo..Waayo Dee Anigu Libaaxa Ma Cuno!” .Markaa waan iska fadhiyayaa oo cidi waxba ima yeeli karto, waayo anigu cid ma doonto, kama dhigna inaad Ammaan tahay. Shaadkaagaa aad xidhantahay ayaa berri ka maalin lagugu qabsan karaa…(Ama Buur Ahaw Ama Buur Ku Tiirsanow…Dayaxa Haddii La Waayo Xidihaga Waa Lagu Socon Karaa. Nimaan Warankaagu Gelin Weedhaadu Ma Gasho.. waa xikmado/maamaahyo Somaaliya oo waayo hore baxay welina aan duugoobin).
Siyaasaddu maaha 1+1= 2, mana ahaa haddii “A” dhaqaaqdo, “B”-na way dhaqaaqaysaa. Tusaale, berigii dawladdii Somalia dagaalka ku qaaday dalka Ethiopia oo waqtigaas inqilaab milatry oo hantiwadaagaysani ka dhashay, ayaa waxaa Siyaad Barre iyo taliskiisii iska xisaabsadeen inay Ethiopia dagaal ku qaadaan so loo xoreeyo Somali Galbed “xisaabtoodiina waxay noqotay…yacnii haddii Maryakan iyo NATO Ethiopia laga caydhiyay, way inoo iman, oo ina caawin, oo hub ina siin, haddynu Soveit-ka iyo WARSO iska caydhino, mar hadday dagaalkii inagu taageeri waayeen..iyo caadifad.”. Arintaasi bil cakis bay noqotay. Waa tii Somali WARSO Ethiopia kasoo caydhisay, NATOna Somalia kuma taageerin dagaalkii ahaan in dhul Ethiopia laga qabsado, Maantana wixii ka dhashay dagaalkaa waa taa Somaliyi la taahaysa
Suaasha Jawaabteedii Oo Kooban Waxay Ila Tahay Inay Tahay, “Saldhiggu Ictiraaf Waa Gooyaa” Hadii Si Fiican Dheriga Loo Karkario, Dabaakhiin Wanaagsanna Loo Diro Hawsha..Waqti Bayse Qaadan Kartaa…Oo Hoo Saldhigga Ictiraafkana Gacanta Kale Iigu Rid Malaha Noqonmayso…Laakiin Inay Shuruudaha Ku Jirto Weeye.
GUNAANAD
Laba qodob ayaan jeclahay inaan maqaalkayga kusoo afmeero
Midda koowaad waxa weeye. Meeshan Mucaaridnimo Iyo Muxaafidnimo ma taalo. Waxaa yaala dan Qaran oo muhiim ah. Waa in arintan si wanaagsan looga wadatashadaa. Dawladdu dadkeeda haw waranto. Inta wax garadka ah ha u yeedho, haw bandhigto waxay mawqifkan u qaadatay iyo danaha ugu jira dadka. Midda labaad waxa weeye, waxaan la hadlayaa Golayaasha, waxaan idin leeyahay Horaa Loo Yidhi Berberi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn, oo macnaheedu ahaa Lacagi Ma Goyn Karto Berbera, Laakiin Talo Halkeeda La Dhigo Ayaa Goysa. Ninamkan yaacaya ee saldhiga raadinaya, iyagu waxay yihiin iyo Samamyntooda Caalamiyan Iyo Gobol ahaanba waynu isla garanaynaa idina waa ogtihiin oo taa idinku daahin mayo. Heshiishku wax macno leh haynoo gooyo, oo ay ka mid tahy: (a) in aanay kiradu ka yaraan 1 Billion oo dollar sanadkii, (b) Ciidamada oo ay tababaraan hub iyo saandna siiyaan, si ay u ahaadaan kuwo casriya oo dalkooda difaacan kara, (c) Mashaariic kale waa inay la socdaan, weliba kuwa khuseeya kaabayaasha Dhaqaalaha, Ganacsiga, Kaluumaysiga, Caafimaadka iyo Waxbarashada (d) Heshiiska oo laga taxadaro, si cadna loogu qayaxo inaad si fudud uga bixi karto markuu dantaada ka guuro. Aan ku celiyo, arinta Sharci ahaaneed ee Heshiiska aad isaga hubiya, khubaro sharci la kaashada (e) waxa la yidhaado kootada oo layska ilaaliyo waa muhiim, waa in aanu inga horjoogsan in aynu heshiisyo kale geli karno mustaqbalka (f) Arimaha habdhaqan ee ciidamadaas ee bulshada saameeya iyana si cad heshiiska hawga muuqdaan (h) Wixii waxyeelo inagu yimaada ee cid kale inoo geysato, sida adeegyada Berbera oo la dukheeyo iwm, waa inay magdhawgiisa bixiyaan (g) ugu dambayn Degdegga iyo duuduub ku ansixintana iska daaya…..
Ilaahow Dooran Garan Maynee Adigu Noo Door
W.Q: C/Raxmaan Caydiid
February 07, 2016