Malaga Yaabaa In Qorshaha Safiir Baashe Cawil In Uu Galaafto Nolosha Boqolaal Qoys Oo Ku Nool Ganacsiga Xoolaha Loo Dhoofiyo Dalka Yemen. Iyo Saamayn Abni Marsada Berber? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Malaga Yaabaa In Qorshaha Safiir Baashe Cawil In Uu Galaafto Nolosha Boqolaal Qoys Oo Ku Nool Ganacsiga Xoolaha Loo Dhoofiyo Dalka Yemen. Iyo Saamayn Abni Marsada Berber?
February 5, 2017 - Written by Editor:

Khasaare Malaayiin Doolar Ah Iyo Boqolaal Muwaadin Oo Shaqo La”aan Ku Dhacaya  Hadii Dalka Imaaraadka Carabta Saldhig Milatari Laga Siiyo Madaarka Barbara Sababahan Awgood

HARGAYSA(W,N) Waxaa Maalinba Maalinta ka danbaysa isa soo taraya Qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa Ganacsatada Xoolaha u dhoofisa Dalka Yaman iyadoo Warbixintani Daboolka ka qaaday Khasaare Dhaqaale Malaayiin Doolara iyo Boqolaal Muwaadin oo Shaqo La”aan ku dhici doona hadii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo meel mariso in Dalka Imaaraadka Carabtu Saldhig Milatari ka samaysto Madaarka Barbera halkaana Diyaaradaha Dagaalka ee Isbahaysiga Sucuudiga Hogaaminayaa duqayn xaga Cirka ah u gaystaan Shacabka aan Walaalaha nahay ee Dalka Yaman iyadoo Talaabadani keenayso Cadaawad Riiq Reebta oo Bulshada Dalka Yemen ee Walaalaha nahay u qaado dhigooda Bulshada S/land iyo xidhiidhka Ganacsi iyo  jaarnimada oo halkaa ku go”a kuna dhamaada isla markaana ay Dayn Malaayiin Doolara ay ku soo noqon waydo Ganacsatada Xoolaha u dhoofisa Dalka Yaman sidoo kale ay Boqolaal Qoys oo Xoogsatada ka Shaqaysata Xooluhu ay ku dhici doonaan Shaqo La”aan .

Aqoonyahanada Arimaha Siyaasada Diblamaasiyada iyo Dhaqaalaha ka faaloodaa ay Garan karaan  sabobaha iyo Hindisaha Cusub ee Cadaynta u ah Damaca Xawliga dheer ku socda ee Inanka Qasriga Madaxwayne Siiraanyo Awooda badan ku lihi ka bilaabay Dalka S/land Waqti Muddo Xileedkii Aabihii Dhamaaday Muddo kordhintiina dhamaad ku dhawdahay” waxaana lagu tilmaami karaa  Xaalufintii u danbaysay iyo Dhaqaale Urursigii ugu danbeeyay uu ku talaabsado Inanka Awooda badan ku leh Qasriga Madaxwayne Siiraanyo ee Safiir Baashe Cawil Cumar isagoo ku dhaqaaqaya Qorshe kasta oo Dhaqaale ku heli karo Xaqiiqduse waxay tahay ta Allaa Maqan.

safiir baashe

Inkasta oo Dalka Yaman ay ka jirto Colaad Baahsan oo Diyaaradaha Dagaalka ee Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayaa ay xaga Cirka ka Duqaynayaan Shacabka Dalka Yaman oo Dhimashada, Dhaawaca iyo Argagaxuba noqday mid nolosha Shacabka Dalka yaman ay la nool yihiin .

Waxaa Xusid mudan in Dalka Yaman yahay Dalka kaliya ee Xoolaha ugu badan S/land u dhoofiyo sida ay noo Xaqiijiin Xubno ka mida Ganacsatada Xoolaha Dhoofisaa iyadoo Waqtigan Colaada Badani ka jirto Dalka Yaman lagu Qiyaasayo Dibida loo Dhoofiyo  Todobaadkii 2000 ilaa 1500 oo Dibi halka 5000 ilaa 4000 oo Adhi ah loo dhoofiyo Todobaadkii Dalka Yaman waxaana Dawlada Dhexe ka soo gasha Dakhli Lacagta Adaga waana Dakhliga Cashuureedka ugu badan ee Dawlada dhexe ka soo gala Xukuumada Madaxwaytne Siiraanyo Dhoofka Xoolaha Waqtigan waxaase iswaydiin mudan Maxay ku doorsatay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Saldhiga Milatari ? Maxaase isku soo beegay Joojinta Dalka Sucuudigu uu joojiyay Dhoofkii Xoolaha Soomaaliyeed iyo Doonista Saldhiga Milatari ee Madaarka barbera ee Dalka Imaaraadka Carabta ? Ma Qeexi kartaa Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Saamaynta Mustaqbalka Dhaw iyo ka Fog uu ku yeelanayo Bulshada S/land Saldhiga Milatari ee Xulafada Sucuudigu doonayso in ay ka samaysato Madaarka Magaalada Barbara ?  Ma Cadayn kartaa Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Faa”iidooyinka aynu ku doorsanay Godobta iyo Gardarada Sokeeye ee Dalka

Yaman lagu qaadayo ? Maxaase la gudboon Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa iyo Boqolaalka Muwaadin ee ka Shaqaysta Ganacsatada Xoolaha u Dhoofisa Dalka Yman ee Nolosha Qoysaskooda ka hela ?

Mar Wariye ka tirsan Shabakada Wararka ee wajaalenews.net Waraysi la yeeshay Xubno ka mida Ganacsatada Xoolaha u Dhoofisa Dalka Yaman waxuu waydiiyay Su”aasha ah Khasaare intee leeg ayaa ka soo gaadhaya Guud ahaan Ganacsatada Xoolaha u Dhoofisa Dalka Yaman hadii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Qalinka ku duugo Heshiiska Saldhiga Milatari ee Dalka Imaaraadka Carabta ? waxuu ku sheegay in Khasaare Sadex Geesood ah ka soo Gaadhayo Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa .

1: Ganacsigii Dhoofka Xoolaha ee Dalka Yaman oo gabi ahaanba joogsada iyo Dayn Malaayiin Doolar Gaadhaysa oo Qasnadaha Ganacsatada Yaman ku jirta oo ku soo noqon doonin Ganacsatada S/land ee Xoolaha u Dhoofisa Dalka Yaman.

2: Mar Labaad waxaa hubaala in Dalkii kali ahaa ee Xoolaheena sida Tooska ah loogu dhoofin jiray oo Yaman ah ay Cadaawad Riiq Colaadeed Reebta inoo qaadi doonaan .

3: Mar Sadexaad waxaa hubaala in Boqolaal Muwaadiniin ah oo ka Shaqaysta Dhoofka Xooluhu ay waayi doonaan Shaqooyinka ay Maanta ku nool yihiin taasina ay Abuuri karto Nabad galyo darro Shaqo la”aantu Sabobtay .

Ugu danbayn waxaan ku soo gunaanadayaa Qormadan Maahmaahda Soomaaliyeed ee Tidhaa Hubsiimo Halbaa La Siistaa Allaw sida Khayrka leh na waafaji .

Aragtida Durugsan Ee Shabakada Wararka wajaalenews.net

Hargaysa office

COMMENTS
LINKS