|
|||||
WAJAALE NEWS
War- Saxafadeed W, Qorshaynta. “Waxaa Nasiib-darro Ah Oo Aannu Aad Uga Xunnahay In Hay’adda UNFPA Xogtii Somaliland Ay Siisay Soomaaliya”
May 27, 2015 - Written by Editor:War- Saxafadeed W, Qorshaynta. “Waxaa Nasiib-darro Ah Oo Aannu Aad Uga Xunnahay In Hay’adda UNFPA Xogtii Somaliland Ay Siisay Soomaaliya” War- Saxaafadeed Taariikh: 27/5/2015 Ujeedo: Mala-awaalka tirada dadka Somaliland Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA, ayaa iska kaashaday sahan loogu kuurgelaayo tirada dadka ku nool Somaliland sannadkii 2013. Dadkeenna in aynu tiradiisa iyo noloshiisaba xog ka helnaa waa muhiim, waxaynu u baahannahay in aynu ogaano tirada dadka degmo kasta iyo gobol kastaba ku nool si aynu adeegyada bulsho sida Tacliinta iyo Caafimaadka ugu qorshayno. Sahanku wuxuu ka dhacay gobollada Somaliland oo dhan iyo deegamadiisa laga soo bilaabo Saylac – Dhahar ilaa Buuhoodle. Cid Soomaaliya ka socota oo xog-ururinta Somaliland laga sameeyey ka qaybgashay ma jirto. Xogta la ururiyey iyo natiijada kasoo baxday waxa iska leh Somaliland cid kale oo sheegan kartaa ma jirto, ciddii sheegatana sheegashadeeda waxba kama jiraan. Somaliland iyo hay’adda UNFPA waxay ku heshiiyeen in warbixin gaar ah oo koobaysa tiro-koobka Somaliland ay soo saarto, waanay fulisay. Waxase nasiib-darro ah oo aannu aad uga xunnahay in hay’adda UNFPA xogtii Somaliland ay siisay Soomaaliya, kalana qaybgashay xaflad ay Soomaaliya ku sheeganayso natiijadii tiro-koobka Somaliland. Arrintaasi waxay saamaynaysaa wadashaqayntii Somaliland iyo hay’adda.
Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|