Madaxweyne Siilaanyo Hor Tegistiisa Labada Aqal iyo Qorshayaasha Dhagareysan Ee Ku Hoos Lamaanaa Waa Gawracii Taariikhdiisa Qalinkii -Sakariye-Awaare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Hor Tegistiisa Labada Aqal iyo Qorshayaasha Dhagareysan Ee Ku Hoos Lamaanaa Waa Gawracii Taariikhdiisa Qalinkii -Sakariye-Awaare.
February 12, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweyne Siilaanyo oo Muddo xileedkiisii shacbiga Somaliland u doortay hoggaanka dalku ay dhamaatay intii loo kordhiyayna  dabayaaqo tahey , sidoo kalena lagu jiro xilli kala guur ah ayaa weli waxa taagan in aanu doorkiisii Madaxweynennimo si buuxda uga qaadan hab maamulka Golaha xukuummaddiisa iyo doorkii siyaasadeed ee laga filayey, waxaanu wakhtigu ka dhammaanayaa iyada oo weli la hadal hayo shakhsiyaad kale oo uu isagu magacaabay haddana awooddiisii dastuuriga ahayd si dadbban ama badheedh ah ugu shaqaystay, iyaga oo magaciisii isticmaalaya.

Maalinta Axadda ee Maanta oo ay bishu tahay 12/02/ Sanadka 2017ka, waxa uu Madaxweynuhun hor tegay  labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada oo uu u jeediyay  khudbad gaaban oo markii hore lamoodayay in uu jeedinayo khudbadsanadeedkiisii  u dambaysay ama aan u danbayn, haddaba su’aasha is weyddiinta lihi waxa ay tahay maxay kaga duwan tahay kuwii hore ee uu u jeediyey labadaa aqal, ee uu ka akhriyey waraaqaha dhaadheer (A-4) oo ay ku badnaayeen qoraalada khalddan (Tayping Errors) islamarkaana, si fashilan looga hoos ururinayo, wallow ay ku hoos jirto khudbaddan manta ah qorshaha dhagaraysan ee ay wataan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wiilka soddogga loo yahay ee Baashe Cawil Xaaji Cumar ee ah ansixinta Saldhigga Millatari ee Imaaraatka Carabtu Berbera ka doonayo, ee laga mustafeeyey, dhaameelka laga siiyey, dhadhamada ay ka qaateen Xildhibaannada Mooshin quuteyaasha ah ee Goloha Wakalliidu.

Waxa aanu muran ka taagnnayn in Siilaanyo berri goobtaa kulankiisa labada Aqal uu taariikhdiisa ku gawrici doono, ka dib marka uu raaco tii ay wateen Maxamuud Xaashi iyo Baashe Moorgan ee ahayd xalaalaynta Saldhigaas Millatari ama ay raaciyaan ansixintiisa waraaqaha uu u akhrinayo mudanayaasha goob joogga ah.

Si kasata oo ay tahay waxa ka hadhay inta waagu beryayo, (haddii eebbe idmmo) marka aynu tixraacno afdduubka qaran, dhaameelkii iyo dhaqdhaqaaqii caawa ee Madaxtooyada waxa ay ku soo ururaysaa ku quuso qudhaanjooy iyo hoggaamintii Siilaanyo ee reer Somaliland oo god dheer laga baadi doono.

Madaxweynahu waxa uu masuul ka yahay Qaranka, dalka iyo dadku Shacabkuna waxa ay markhaati ka yihiin masuuliyadda iyo sida loo adeegsado, Ilaahayna waxa aan marnaba ka qarsooneyn sida ay makhluuqiisu ku dhaqmayaan.

 

Sakariye Saxardiid Axmed(Sakariye-Awaare)

COMMENTS
LINKS