WAJAALE NEWS

ILAYS KAA KUWII SHIDOW. Q. 1AAD QALINKII MUJ CALI GURAY

Hargeysa ayaan ka tegay 1974kii markii aan Dugsiga Sare ka baxay ilaa iyo May 1981kii ayaan ka maqnaa oo waxan noqday reer Muqdisho. Waxan ka mid noqday hawlwadeenadii ugu horeeyay ee asaasay Mashruucii la odhan jiray Mashruuca Horumarinta Xeebaha oo aan todoba sanadood ka shaqaynayay Mashariicdiisii kala duwanayd in kasta oo aanan xidhiidh ahayn shaqadaydu ee marka aan sanad shaqeeyaba “scholarship” heli jiray oo aan debedda waxbarasho ugu maqnaan jiray. Sida caadiga ah marka aan waxbarasho u baxayo waxan ka dhoofi jiray Madaarka Muqdisho marka aan soo noqonayona waxan ka soo degi jiray isla madaarkii aan ka dhoofay ee Muqdisho. Markii igu dambaysay waxan Muqdisho ka dhoofay Augost 1979kii. Laba sanadood ka dib aniga oo Italy ka soo noqday oo soo maray Ciraaq, Kuwait, iyo Sucuudiga ayuun baan is idhi bal Hargeysana sii mar. Markii iigu horeysay ayaan Jabuuti ka soo degay May 1981kii. Kumaan raagin Jabuuti ee markaan sedex maalmood oo keliya joogay ayaan ka soo raacay baabur Qareengoo ah subixii dambeba Hargaysa oo muddo todoba sanadood ah aan ka maqnaa ayaan soo gaadhay.

Maalintii ugu horaysayba waxan dareemay Hargeysa in aan wax ka dhacay mooyee aan wax u soo kordhay todobadii sanadood een ka maqnaa aanay jirin. Xiligaa sheekada ugu badnayd ee dhegahayga ku soo dhacayay waxa ugu badnaa dad la dhacay, kuwo la dilay, wax la kufsaday oo aan cid kale ku kicin ee ciidamadii ku burburay dagaalkii 1977kii iyo Jabhadii Soomaali-galbeed la odhan jiray oo faro-ka-baxay. Magaaladu waxay la ciirciirasay qaxoonti boqolaal kun ah magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda xeryo looga sameeyay oo ka tiro badan dadkii degenaa magaalada. Waxan ka tegay iyadoo lagaga hadlo af soomaali keliya waan dareemay in afaf kale ku soo kordheen; Axmaar, Oromo, Herari iwm. Maalmihii hore oo dhan waxan ku jiray yaab. Ilayn sidii shaqaalaha dawladda ee Koonfuri ugu badnaa reer waqooyiga ayaa waqooyina waxa qabsaday oo meel kasta ka madax ah reer koonfureed weliba u badnaa reer keliya. Dhinaca awooda kuwo qaxootiga ah ayaaba kaga awood badan Hargeysa kuwii u dhashay. Sheekada xiisaha badnayd in kasta oo anigu aanan markaa wax badan ka fahamsanayni lakiin afartii meel wada taagan ama isku mejlis ahi ay hadal hayeen wuxu ahaa khilaaf soo kala dhex galay 4aad oo ahayd mindhaa Gt4aad oo ka tirsanayd Gaaska Axmed gurey mise Duufaan ee Jabhadda Soomali galbeed hayb ahaana Isaaq ahayd. Sida sheekadu maalmahaa ahayd waxay ka dhiidhiyeen dhibaatadii dadkooda ku hayeen Ciidamadii kala duwanaa ee magacyada badnaa. Waar adigu Xamar taadii ka deg oo haba soo marin lahaydee waxan ku soo dhex dhacay magaalo dulaysan iyo dad ciilan.

 

LASOCO

 

Exit mobile version