|
|||||
WAJAALE NEWS
Gun Is-Urursatey Iyo Gob Aamustey, Qalinkii: Fu,aad SHeekh
February 17, 2017 - Written by Editor:“Wax Siyaasaddii loo igmadey silic ku nooshiiye Abwaan Axmed Ismaaciil Qaasim AHN) “Africa’s problems is a failure of leadership. Because what we do is to elect thieves. We elect hyenas to take care of goats and when the goats are consumed, we wonder why.” By Patrick Lumumba Maahmaah baa tidhaahda saaxiib ku hakradey ayaa ka liita cadaw ku hadimeeyey (A silent friend is worse than a vocal enemy) . Waxaa halkaa ka cad in ay bulsho dhan u horseedi karto dhibaato iyo burbur marka runta oo laga aamuso: Danta guud loo hadli waayo; Danta gaarka lagu hago hanka caloosha ; Baahida ummada la iska dhaga tiro; Dalka dibindaabyadiisa laga shaqeeyo; Mucaarid hawlgab noqdo bulshadana u habarwacda; muxaafidna is hanbalyeeyo; Hantidii qaranka jeebka lagu sii wada qaato; Dan yarta la hagoogo. Dalka Soomaaliland in badan ayuu dhibaato lala doonay ka gudbay. Mar kasta dad baa u kacayey oo dhiig iyo dheefba u hurayey si dalku u badbaado. Gu’gii 1960 ayuu hogaamiyayaashii ururkii SNL ay ka galeen dalka Soomaaliland gef,aynu u hogaamiyeen huq iyo hagardaamo ku qaadatey muddo 30 gu’ inuu haybadiisii la soo noqdo. Ururka SNL waxaa xilligaa hogaaminayey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (IHUN) oo dalkan Soomaaliland-na madaxweyne ka noqday. Isagoo ka hadlayo sababta isagoo ogaa in aan Xamar nololi oolin, uu Somaliland ula doontay meel baasta,ugana aamusay wuxuu yidhi: “Iraaddada shacbiga ayaa shalayna lagu tagay, koobiyo sagaashankiina lagaga soo noqday, oo lagaga yimi, Dhagax bay ahayd lixdankii, koobiyo sagaashankiise takniko iyo suuse ayay ahayd. Suu iyo Kalaankishoof baa la isla barbar taagnaa. Cara soo baxa ayay ahayd idinkoon ku dhawaaqin”. Maalintaa ummada wuu hor kacey oo uu u raacey Xamar, hase yeeshee wuxuu Madaxweyne Cigaal (IHUN) maalintan sheegay inaanu raaceyn: “Haddaad israacdaan, oo Illaahay kama dhigo e(AAMIIN), aad tidhaahdaan caalamkii baa nagu yar dhago adaygayoo, wixii socon maayaane bal hadda xagii aynu eegno tidhaahdaan, ma idin raacayo, anigu waan idinka hadhayaa (Sacab). Hargeysa, Burco, Berbera iyo Laascaanood oo laga xukumo Xamarna, dagannaan maayee waanka haajirayaa (Sacab). Bishii Maarso, 1991 ayaa dad badani ku sii qulqulayee magaalada Burco. Waxaa soo gabagaboobey heshiisyo dhex marey dhamaan beelaha Soomaaliland wada degga. Waxaa la iskugu imanayey shir loo wada dhan yahay si looga tashado aayaha bulshada reer Soomaaliland, iyadoo dib u eegis lagu samaynayo wixii la soo marey lixdankii ka hor iyo lixdankii ka dib. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka mid ahaa dadkii xilligaa Burco joogay ayaa si fiican u ogaadey in shirkaasi uu ka soo bixi doono go’aan ah “ Somalialnd wuxuu go’aansadey in uu gooni isku taago, lana soo noqdo haybadiisii qaranimo ee uu boqno gooyey shanta Soomaaliyeed oo iminka ah hal-bacaad lagu lisay”. Go’aankaasi aad buu ula qadhaadhaadey Axmed Maxamed Siilaanyo. Sidaad darteed wuxuu is yidhi ka hor deg oo dadkan u sheeg waxaad maagan tahay. Wuxuu yeelay siduu yeeli jiray marka arin ku qadhaadhaado. Wuxuu u baqoolay carigiisii iyo gurigiisii ku yaaley Ingiriiska. Ka dibna , wuxuu soo qoray warqad uu ku taageerayo in la sameeyo dawlad ku-meel gaadh ah oo midaysa Somaliland iyo Soomaaliland. Go’aanka la filayo inuu shirkaa Burco ka soo baxana wuxuu ku tilmaamey mid lagu degdegayo. Sidoo kale ayuu bishii Janaayo 1, 2010, Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ahaa markaa gudoomiyaha Mucaaridku sii xaqijiyey “Anigu runtii xataa waraaq aan qoray baa jirtay oo anigu aan barigaa soo jeediyey haddii dalka la xoreeyo in si federal ah lagu dhaqmo, qaab federal ahi uu yimaado oo qoraal aan qarsoodi aheyni way jirtay dee anigu aan barigaa diyaariyey, waqti aanu golaha (SNM) u soo jeedinayna waa jiray ”… Caku mudanahaygii Mooryaantu dhaantoow Dhiig miirtihiiyoow Kii loo mashxaradee Isna nagu maqnaayee Quus nagu macsuumoow. Maxastiyo Adduunkii Macaluul ku nooshiyo Wadhatada miskiinta ah Laga faro maroojiyey, Sawtaad malaayiin Moohaar ku gurateen, Iimaan macbuud baa Uur madhane buuxshee Xaaraanta maandhoow Ma mahadin hortaa jire. Maansadii “Mooryaan” ee Weedhsame
Dalka Soomaaliland wuxuu ku hano-qaadey laba arimood oo ah Nabad iyo Talo-wadaag. Dawladu heshiis way la gali kartaa dawlado kale, hase yeeshee dastuurka Soomaaliland wuxuu dhigayaa in la hor keeno golaha wakiilada oo ah golaha sharci dajinta dalka. Sidoo kale in la siiyo muddo ay kaga doodaan, qof kasta la dhageysto wuxuu ku diidayo ama ku doonayo. Dastuurka Soomaaliland melena kagam taalo “ ku jujuubis iyo xadhig”.. Qoor qabad qoolay biyo kuma qudhqudhiso…. Ninka samaha diidee seefta xumaha qaatoow Dalka salal colaadeed iyo kulayl sii siyaadiiyo Salow baad ku oogtoo Dimuqraadi saxaha sifaheedii laabtoo kaligii talis sad moodee horta yaa la sirayaa
Waxa kale oo maalmahan dalka Soomaaliland hadal-heyntiisu ku badan tahay doorashada ka dhacdey Xamar iyo ninka loo cumaamadey. Taa waxaan kaga baxayaa odhaahda suuban ee dad dhawr ahi oo dalka Soomaaliland-na daneynayaa ay yidhaahdeen ee ah “Farmaajiyo maxaa iiga dana farax la goohiisa”. Waxaann idinla wadaagayaa weedh uu wiil dhalinyaro ahi la wadaagey bulshada Soomaaliland ee uu daneeyo. Waxaanu yidhi waa Muuse Dalmar oo dareenkiisa ka dhiibanaya xaalada dalku maanta marayo: “Dhallinyaradeennu uma baahna in lagu beero cadaawad ay u qabaan Itoobiya, waxa se ay u baahan yihiin in hankooda la gaadhsiiyo sidii ay mandaqadda geeska Afrika iyo dunidaba ugu talin lahaayeen. Maanta dunida, waxa laysku muquuniyay waa aqoon iyo dhaqaale, balse maaha isir nacayb, hiif iyo seeflaboodnimo caadifadaysan. Hiilka ugu weyn ee uu qofku dalkiisa u gaysan karaa waa isaga oo ka soo baxa waajibka qaran ee saran”. Waxaan ku soo gabgabeynayaa dhacdo la yaab leh oo si xeeldheer uga warameysa mushaharka ay golayaasha ( wasiirada, wakiilada,garsoorka iyo guurtida) ku damaashadaan ee ay caruurtooda quudiyaan halka uu ka soo baxo. Cabdicasiis Maxamed Iid oo isagoo ardey ah dalkan inuu u halgamo u boqno gooyey waxbarashadiisii, manta waqti badan galiyey sidii loo meelayn lahaa xasuuqii ka dhacey dalka ayaa bulshada reer Soomalialdn la wadaagaya : “ Islaan aan khudrada ka iibsado oo fadhiisata xafiiskii hore ee badhisaabka Hargaysa ayaan waydiiyey inay cashuur bixiso iyo inta qof ee ay ka biiliso kaadhiyoonaa. Waxay tidhi 7 qof ayaan halkan ka masruufaa, cashuur dhowr kun ah iyo baadyarna waan bixiyaa, subaxiina waxaan kacaa 5 subaxnimo oo kaariyoonahaa kaga soo qaadaa suuqa Gobanimo khurada dabadeed waan soo riixaa ilaa halkan. Qiyaastii waa 2-3 miles. Waxay intaa iigu dartay “Alxamdulillah Hooyo”. Waxaan la macaamilaayey ilaa 2 sano hadda waanan yar naasnuujiyaa. Afbaa lagu ciil baxaa, gacan baa lagu aarsadaa, Talaa oday lagu noqdaa, runbaa umad lagu dhaqaa Tixraac: -Khudbadii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin(IHUN) ka horjeediyey golayaasha 17kii Diisember 1997kii is-casilaadisii.. -Wareysi Gudoomiye Axmed Maxamed Siilaayo – Safarkii Maraykan Hadhwanaagnews – Janaanyo 1, 2010 -Qoraalo ku jira kaydka Mareegta Farshaxan Qalinkii: Fu,aad SHeekh Bahda Mareegaha Farshaxan www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|