|
|||||
WAJAALE NEWS
Akhri: Liiska Magac-yadda Xildhibaanaddii Golaha Wakiiladda Ee Diiday Inay Masiirka Ummadda Soo Dooratay Dhaafsadaan Laaluush + Fadeexadda Natiijadii U Guddoomiye Saleebaan Sheegay Inay Heshiiska U Codaysay Oo Si Weyn U Khilaafsan Tiradii Fadhiga Fadhiday.
February 13, 2017 - Written by Editor:Hargeysa (W.N)- Liiska Magac-yadda Xildhibaanaddii Xooga Looga Dareeriyey Fadhigii Labadda Golle Ee Lagu Ansixiyey Heshiiskii Wareejinta Garoonka Diyaaraddaha Ee Berbera, Kana Taliyey Masiirkii Ummadooda + Kuwii Ka Maqnaa Fadhiga, iyo Fadeexadda Dul Hoganaysa Guddoomiye Saleebaan Tiraddii Uu Ku Sheegay Inay Fadhiga Fadhiday, Una Codaysay Heshiiska. 26 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa badankooda xoog dibedda looga saaray, halka ay diideen ansixinta heshiiskan sadex Xildhibaan. Iyadoo dhowr ka mid ahi-na aanay ka soo qaybgalin fadhiga maqnaanshiyo dalka dibediisa ah awgeed, tiraddan 26 mudane ah ee Golaha Wakiiladda oo marka laga jaro 82-ka Xildhibaan ee uu Golaha Wakiiladdu ka kooban yahay ay soo hadhayso 56 mudane, ayaa si cad meesha uga saartay tiraddii fadhiga inay joogaan uu ku sheegay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ahayd 147 Xildhibaan oo labada Golle ah, kuwaasoo isku tagoodu uu yahay 164 mudane. Isagoo waliba Saleebaan Sheegay inay 144 heshiiska ogollaadeen oo ay haa ku codeeyeen, halka uu sheegay inuu mid diiday midna ka aamusay, isaguna aanu codeyn. Marka loo geeyo mid Xildhibaan oo diiday iyo mid ka maqnaa Golaha Guurtida dhammaan natiijooyinkii uu Guddoomiye Saleebaan fadhiga ka sheegay way khilaafsan yihiin, waana fadeexad iyo sharci jabin. Hadaba, tiradda guud ee labadda waa 164 Xildhibaan, marka laga jaro 26 Mudane oo golaha wakiiladda ka tirsan oo xoog badankooda lagaga saaray fadhiga, qaarna ay dalka ka maqan yihiin, qaarna ay diideen haa ugu codeeyaan laga jaro, waxay noqonaysaa 138, marka labadda guurtidda laga jarana waxay noqonaysaa 136 Xildhibaan labadda golle ah. Markaa Guddoomiye Saleebaan markee ayuu run sheegayaa markuu leeyahay 147, ayaa fadhiga ka soo xaadiray iyo marka uu leeyahay 144 Mudane ayaa ogolaaday heshiiska, isla markaana uu leeyahay mid uu diiday midna wuu ka aamusay, anna maan codeyn. waa arin aad loo la yaabo dhacdadani. Sidoo kale marka laga jaro tiradii uu sheegay inay ka soo xaadireen fadhiga oo ahayd 147 laga gooyo 28 Xildhibaan ee waxna ay ka saareen fadhiga waxna ay diideen waxna ay ka maqnaayeen, waxa soo hadhay waa 120 Xildhibaan miyeyna natiijadii codeynta uu ku sheegay 144 ka Xildhibaan aanay been cad ahayn, hase yeeshee labada midna diiday midna ka aamusay maye. Baadhis iyo daba-gal ballaadhan oo ay samaysay Shabakedda Qumannews, ayaanu idiin kusoo bandhignay magac-yadda Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda ee diiday masiirka ummadda soo dooratay dhaafsadaan laaluuskii, lagu wareejiyey madaarka magaaladda Berbera. Waa kuwan magac-yadda Xildhibaannadda u hiiliyey qaranka oo uu horkacayo, Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). 1- Xildhibaan Maxamed Saalax Cige Cali (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga 2- Xildhibaan Baar Siciid Xaaji Faarax (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga 3- Xildhibaan Cali Sh Ibraahim Aareeye (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga 4- Xildhibaan Cali Xaaji Muuse Nuur (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga 5- Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Waysa cadde) (Xisbiga KULMIYE), dibedda looga saaray fadhiga 6- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-Xoog), ka maqnaa fadhiga. 7- Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel (Xisbiga KULMIYE) diiday inuu u codeeyo heshiiska. 8- Xildhibaan Cabdulqaadir X Ismaaciil Jirde (Xisbiga WADDANI), ku maqan dalka dibeddiisa. 9- Xildhibaan Yuusuf Liibaan Cumar (Xisbiga WADDANI), ku maqan dalka dibeddiisa. 10- Xildhibaan Maxamed X Yuusuf Axmed (Waabeeyo) (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga 11- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga 12- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ), (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga 13- Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Sh Muuse (Kacaan), (Xisbiga KULMIYE), ka maqnaa fadhiga 14- Xildhibaan Maxamed X Maxamuud Cumar Xaashi (Xisbiga KULMIYE), diiday inuu u codeeyo heshiiska. 15- Guddoomiye Cabdirahmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ka baxay fadhiga. 16- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga. 17- Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga. 18- Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga. 19- Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga. 20- Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa (Xisbiga WADDANI), ka maqnaa fadhiga. 21- Xildhibaan Bashiir Sh Xuseen Tukaale (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga. 22- Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi Xaashi (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga. 23- Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga. 24- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle (Xisbiga WADDANI), dibedda looga saaray fadhiga. 25- Xildhibaan Xaamud (Xisbiga UCID), dibedda looga saaray fadhiga. 26- Xildhibaan Maxamed Jaamac Xaaji Cilmi (Dable) (Xisbiga KULMIYE), diiday inuu codeeyo 27- Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed-gacan) oo ka tirsan Golaha Guurtidda/Diiday inuu u codeeyo heshiiska 28- Xildhibaan Jaamac Riyo oo ka tirsan Golaha Guurtidda/Wuu ka maqnaa fadhiga. Haddii Alle yidhaahdo, waxaanu shacabka reer Somaliland u soo gudbin doonaa magacyadda 56 ka Xildhibaan ee Golaha Wakiiladda iyo guurtida ee heshiiskan u codeeyey ama ogolaaday khasab lagu marsiiyo.
Khaddar Ali Khum (Shiine) E-mail: Khadarshiine012@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|