Warbixinta Sirddonka Mareykanka Oo Lagu Sheegay In Madaxweynaha Ruushku Uu Rabay Sidii Uu U Caawin Lahaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixinta Sirddonka Mareykanka Oo Lagu Sheegay In Madaxweynaha Ruushku Uu Rabay Sidii Uu U Caawin Lahaa
January 7, 2017 - Written by Wariye:

warb(1).jpgHargeisa (WJN): Warbixintii ay u soo bandhigeen  Sirdoonka Mareykanku Madaxwaynaha ladoortay  Donald Trump ayaa sheegtay in Hogaamiyaha Ruushku uu isagu amarka bixiyay faragalinta lagusameeyay , isaga oo rabay inuu saamayn ku yeesho doorashada , oo ay u dhacdo sida uu rabo.

Moscow  kamayna  hadal warbixintan uu soo saaray  Sirdoonka Mareykanka , balse  Ruushku hore ayaa uu u beeniyay eedeyamahan loosoo jeediyay.

Kadib  markii warbixin laga siiyay Mr. Trump  baadhitaankii ay u soo bandhigeen , Mr. Trump waa uu kagaabsaday inuu canbaareeyo faragalinta  Ruushka  ee Arrimaha Mareykanka, isaga oo sheegay oo kaliya , in natiijada  kasoo baxday baadhitaanka ay sameeyeen Sirdoonka Maraykanka  aanu ahayn mid lagu farxo.

Warbixintan loosoo bandhigay Mr. Trump ayaa ka koobnayd 25 Page , iyad oo loogu talagalay  inay  in loogu iftiimiyo Mr. Trump.

Warbixintu waxay intaas ku dartay  in u jeedada Ruushka  ay ahayd  inuu abuuro  Aamin darro  ay kaqabaan  xisbiga  Dimoqraadiga, oo halkaas ku sharaf rido, si looga guuleysto doorashada.

Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS