|
|||||
WAJAALE NEWS
War-saxaafadeed: Aragtida Xisbiga WADDANI ee ku Aaddan go’aamada Xukuumadda Somaliland ka soo saartay sicir-bararka.
January 25, 2017 - Written by Editor:Sicir-bararku waa mid ka mid ah aafooyinka qaran ee ragaadiya dhaqaalaha dalalka, weliba kuwa dhaqaalohoodu soo korayo, waxa loo baahnaa in Xukuumadda Somaliland ka yeelato siyaasad cad oo isugu jirta waqtiga dhow iyo waqtiga dheerba. Aragtida Xisbiga ee Labada tallaabo ee xukuumaddu qaaday:
Si arrintani u noqoto mid hir-gasha waa in xukuumaddu qaaddaa tallaabooyin kabaya arrimahaas oo ay ka mid yihiin.
Sidaas darted, Baanku ma xakameyn karo sarifka lacagta maadama oo aanu maamulin wax dollar ah.
Lama caddeyn in adeegyada ZAAD iyo E-Dahab wax xidhiidh ah la leeyihiin Sicir-bararka. Ma habboona meel aan cudurku ool in laga baadho, arrintaasi cilmi-baadhis iyo hubsiimo ayey u baahan tahay. Hab-dhaqanka hanjabaadda ah ee xukuumaddu kula dhaqmeyso shirkadaha waddaniga ah waa in la joojiyaa. Shirkadaha Dahabshiil, Telesom iyo kuwa la midka ahi kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, maal- gelinta, kaalmada mashaariicda horumarinta iyo gurmadka abaaraha waxay kaga jiraan kaalin aan la dafiri Karin. Sida uu dhigayo qodobka 25aad farqaddiisa 1aad ee dastuurka JSL qofna xoriyaddiisa loogama qaadi karo si aan sharciga waafaqsanayn. Sidaa darteed, Xisbiga WADDANI wuxuu ka soo hor-jeedaa ganacsatada la xidhxidhay, waxana uu dalbanayaa in sida ugu dhaqsaha badan xoriyaddooda loogu soo celiyo.
Md. Axmed Xuseen Fagfagaash Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga WADDANI Related posts: Magaalada Hargeysa Oo Maanta Laga Furay Carwada Lagu Soo Bandhigayo Buugaagta Ee International Bo... Wasiirka Biyaha Oo Ka Qayb-galay Furitaanka Ceelal Biyood Oo Laga Hirgeliyey Deegaano Kala Duwan. Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Boqorka Dalka Kuwayt Sheekh Subax Al-Ahmed A... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|