War Deg Deg ah ; Dab ka Kacay Guri Ku Yaala Galbeedka Magaalada Hargaysa Oo Sobobay Dhimashada Wiil Afar Jir Ah Oo ku Shufbeelay Iyo Dhaawaca Laba qof. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah ; Dab ka Kacay Guri Ku Yaala Galbeedka Magaalada Hargaysa Oo Sobobay Dhimashada Wiil Afar Jir Ah Oo ku Shufbeelay Iyo Dhaawaca Laba qof.
January 14, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaa  canbaaro Shantii Galabnimo uu dab Qabsaday Guri ku yaala Galbeedka Magaalada Hargaysa  Agagaarka Iskuulka Boodhinka ah Ee AMAANO Gurigan oo ahaa guri sandaqada ( Jiingada) kaasi oo gabi ahaanba shufbeelay uuna    ku dhex gubtay wiil yar oo Afar  jir ah kaasi oo halkaa ku naf waayay .

Wiilkan yar  ayaa sida la sheegay xiliga dabku qabsaday ku dhex jiray guriga sidoo kale waxaa dhaawacyo kazoo gaadheen laba qof oo kale xiligan uu guriga dabku ka kacay ayaa la sheegay in  hooyada umadkan kan dhashay ay ku maqnayd suuqa

Sidoo kale waxaa gurigan ku shufbeelay wixii agab yaalay guriga oo aan waxba laga badbaadin

Ciidamada dabdamiska ayaa mar danbe soo gaadhay  xiligaasi oo daminta dabka gurigan ka kacay ay bakhtiintiisa ay la tacaalayeen dadka shacabka ee ka agdhow gurigan gubtay waxayna ciidamda dabdamiska amkii ay goobta soo gaadheen xaga custibaalka usoo qadeen ilmihii yaraa eek u shufbeelay guriga iyo laba qof oo kale oo dhaawac kazoo gaadhay kuwaasi oo mid yahay ilmahan yare e ku geeriyooday kii ka yaraa oo ay walalaalo yihiin,

Wiilkan oo lix jir ahaa ayaanay indhaha aadmigu  qaban karayn sida uu dabku u halakeeyay isaga oo guud ahaan jidhkiisu karsamay oo isu badalay hilib cas.

Wali lama xaqiijin sobobta dhabta ah ee keentay gubashada gurigan balse dhacdadan ayaa inta badan ka dhalata dhinaca korontada .

 

WAJAALENES DESK

HARGAYSA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS