WAJAALE NEWS

Musharaxiinta Loolameysa!! Qalinkii ;Xil Maxamed Faarax Qabile.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/1/2017 waxan jecelahay in aan dhawr qodob is dul taago oo marxaalada dalku marayo taabanaya.

Ugu horeen arrinka muranku ka taagan yahay ee ah qabsoomida doorashada iyo qabsoomid la’aanta doorashada madaxtooyada Somaliland. Markaan eego xaquuqda doorashada ee muwaadiniinta Somaliland ay xaq u leeyihiin . Markaan eego qodobada dastuurka ee sida cad u muujinaya in ay dastuurka hortiisa ugu siman yihiin lab iyo dhegid, iyadoon loo eegeyn isir, mudnaanta afkaarta iyo wixii la mid ah, isla markaana ay xaq u leeyihiin in la doorto wax na ay doortaan. Qeybta xaquuqda ah ee tilmaamaysa waxa la yidhaa maba’diida guud, sida Diinta aan loo bedeli Karin bay waajib tahay in sidooda ciddi na ugu xad gudbi karin sida Diinta Islaamka oo kale. Waxaanu ognahay in dastuurka qaranku uu yahay sharciga ugu sareeya ee dalka, sida ku cad qodobka 83, xaaladaha ku cad marka dalka la soo gudboonadaan sida Abaarta oo baahda cudurada faafa, duufaano, dhul gariir iyo wixii la mid ah, kuna beeganto xili doorasho, gaar ahaan madaxtooyada cid baa leh xil gudashadeeda, iyo waajibadka qaran dastuuriga ah.

Dhamaan goobihii cod bixiyaashu iska diiwaan geliyeen. Waxaa waajib in asxaabta qaranka madaxweynaha iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland usoo bandhigaan in codbixiyaasha laga heli karo gobihii ay iska diiwaan geliyeen oo sida xeerka cod bixiyaashu tilmaamayo muwaadin kastaba in uu ka codeeyo goobta uu iska diiwaan geliyey. Arrintaa oo komishanku warbixintoodii ugu gudbiyeen madaxweynaha iyo asxaabta qaranka in qoraal u gudbiyo golaha guurtida, sida ku cad qodobka 83, ay ka gutaan xilka iyo waajibadkooda dastuuriga ah. Markay xaaladu caadi tahay komishanku doorashooyinku waxay soo jeedin karan mudo cayinan oo ka dhiman jadwal hawlohoodi qabsoomida doorashada, waxay na u gudbineyaan madaxweynaha isaguna sidoo kale wax u gudbinaya golaha guurtida si ay mudada koomishanku soo jeediyeen oo keliya ugu ansixiyaan. Sidaa daraadeed marba cid baa hawsha leh, cida xilkan le na dastuurku waa cadeeyey, madaxda xisbiga iyo musharaxiinta ku loolamaaya doorasha madaxtooyada ee inagu soo fool leh, gaar ahaan musharaxiintu waxay leeyihiin ashkhaas qaynuuniya, ixtiraam weyn buu siiyey dastuurka Somaliland iyagana waxa ku waajib ah in ay ixtiraaman dadweynaha Somaliland oo dastuurku siiyey in ay leeyihiin karamada qaranimada Somaliland. Isla markaana ay ogaadaan dastuurku in uu yahay hantida ugu weyn ee bulshada Somaliland ka dhexaysa. Xaalada damqashada leh dadkeenu maanta ku sugan yahay waxay u bahan tahay furdaaminteeda Gurmad iyo xaalad deg deg ah oo loo qaas yeelo samata bixinta dadkeena iyo waxay ku sugan yihiin wixii muran doorashana lagu furdaamiyo siduu jideeyo dastuurka qarankaku. Waxaan usoo jeedinaya dhamaan murashaxiinta ku tartameya kursiga madaxtooyada in taaney cagaha boodhka gelin buuq iyo jahwareer ayna bulshada dhexdeeda ku abuurin in ay yeeshan la taliyayaal sharci hadii ay qaar wax ka dhiman yihiin . Kuna soo laabtaan xayndaabka dastuurka iyo shuruucda la xidhiidha doorashooyinka marxaaladaha lagu jiro, kana foojignadaan wixii kala dhantaaleya midnimada qaranka J.S.L ee cadaw-ga badan le.

 

Xil: Maxamed Faarax Qabile.

Exit mobile version