WAJAALE NEWS

Mala Fahmay Taariikhda Madow Ee Xisbiga Kulmiye Aanu Mar Labaad Ku Heli Doonin Codka Shacabka Somaliland Iyo Milicsiga Waxyaabihii Ay Xukumadii Daahir Riyaale Ku Dhaliili Jireen!!!!

Waxaynu Qormadeenan   dib umilicsan doonaa  wakhtiyadii lagu jiray ololihii doorashada madaxtooyada ee 2010  iyo weedhiihi uu xisbiga kulmiye ku dhaliili jiray xukumadii daahir riyaale  balse  markii Madaxwayne siilaanyo uu ku gulaystay talada  ay kuceen ficilo kasii fog iyo in uu  xaraasho hantidii umada haday tahay Guro, Dekadii Berbera , Haamihii Shidaal oo madaxwayne siilaanyo ku dhaliili jiray xukuumadi ka horaysay oo ay gacanta ku  haystay shirkadii TOTAL halka xukuumadii siilaanyo  ay   ku kacday dhamaan waxyaabihii ay bulshada u balan qadeen in ay wax ka qaban doonaan  wax kasii liita halkan ka akhri  waxyaabihi ay kaan baynka ku galeen iyo sida ay ubeenowday;

1  ; Waxa ka dhacay gobalada bari  xiligii aahir riyaale qaraxyo lala  beegsaday sarakiil ciidan oo ay kadambeeyen cadawga Somaliland   kuwaasi oo  xisbiga kulmiye uu  lahaa xukuumadaa ka dambaysa oo waa dilal Qorshaysan , maxaa keenay in manta oo uu xisbiga kulmiye ka taliyo dalka ay  saraakiil ciidan inooga dhintan in ay toogtan askartay xukumayeen?

2  ; Waxa jirtay shaqaaqo ku dhexmartay laba beelood oo gacal ah daganka ceel bardaale  kaasi oo  khasaare naf iyo malba leh keenay oo uu madaxwayne riyaale xal kadhigay in laga dhigo jiid cidan si loo kala badbado  shacabka dhulkaa wada degan hase haatee  xisbiga kulmiye uu lahaa waa cadaalad daro go aanka uu madaxwayne riyaale qaatay oo dadbuu dhulkoodii ka dhigay jiid ciidan ? maxay kulmiye ka qabeen  xukunkii loo dooraye  miyaanay lamid noqon shaqaaqadii kalshaale ku dhexmartay laba beelood oo gacal ah ? talaabadii siilaanyona noqotay mid lamida tii uu ku dhaliilayay daahir riyaale

3 ; Waxa ka dhacay  jeelka Hargaysa  Maxaabiis  hubaysan oo bastolado sita  oo lasoo qabtay iyagon waxba dilin, oo uu maalintaa xisbiga kulmiye lahaa Xukuumadaa ka dambaysa  Miyaanay ka xumayn  kuwan askarta  laayay  iyadoo uu dalka kataliyo Xisbiga kulmiye isla jeelka hargaysa? TAANA YAY KU EEDAYDOONAAN?

4 ; Waxa jiray in kulmiye  joogtayn jiray mudaharad lid ku ah nabadgalyada oo haben iyo malinba leh oo aan wax ruqsadah loo haysan  marka ay ka hortagan bilaysku siloo sugo nabad galyada  ay kala hor imanjiren cidanka dhagax iyo faashash hadii cid kudhimato ama ku dhawacanto ay odhon jireen dadbaa la xasuuqay maxaa keenay in la diido mudaharaadba oo layidhahdo lama ogola oo la laayo dadka si ka xun  xukumadii hore iyadoo uu dalka kataliyo xisbiga kulmiye ?

5;  Waxa jiray mar la xidhay tifi tirihii  Wargayska Haatuf oo uu wargaysku shaqaynayay in xisbiga kulmiye uu lahaa dag dag haloo sii daayo  oo haloo soo celiyo madaxbanaanidii saxaafada maxaa keenay in la xidho wargayskiiba gabi ahaantii oo laga qaado ruqsadii  oo laga saaro liiska Warbaahinta iyadoo dalka uu ka taliyo xisbiga Kulmiye?

6 ; Waxa jiray  in aad odhan jirteen  hadaad tihiin xisbiga kulmiye haamihii baa lawareejay oo dhibwayn ku haysa umada oo waanu soo celin, maxaa keenay in aad wareejisaan haamihii iyo warshadihii laydhka berbera iyadoo uu dalka ka taliyo xisbiga kulmiye?

7  Waxad diidi jirteen maxjarkii Aljaabiri hadaad tihiin xisbiga kulmiye ood agwadeen maxjar labaad oon xukuumada ka haysan ogolaansho maxaa keenay in aad diidan maxjarkii sedexaad idinka oo ah xisbul xaakimkii Talada dalka hayay?

8 ;  Waxaad ku dhaliili jirteen xukuumadii daahir  riyaale marabo in la kiciyo warshada sibidhka Barbara maxaa keenay in la kicin waayo isla warshadii sibidhka barbara iyadoo uu dalka kataliyo xisbiga kulmiye ?

9 ; Waxaad odhan jirteen dhulbaa la iibshay oo laguma daro khasnada dawladda maxaa keenay in aad iibisaan dhulkii  iyo guryihii iyo iskuuladii caruurtu wax kubaran jirtay iyo baarkinadii iyada oo uu dalka ka taliyo xisbiga kulmiye ?

10 ;  Waxad odhan jirteen dhalinyarada tahriibaysa waxaa ka dambeeya xukuumadda riyaale  oo dayacday maxaa keenay in ay tahriibtu toban laabanto iyada oo uu dalka kataliyo xibiga kulmiye ? iadoo ay y sabab u tahay xilalka iyo shaqooyinka oo lagu taxay dad Qurba joogta ah  ee xukuumada kulmiye?

11 ;  Waxad odhan jirteen Golihii Wakiilada ayaa la qabsaday oo uu ina Riyaale ku tuntay xasanadii golaha wakiilada maxaa keenay in aad qabsataan golaha wakiilada oo xildhibaano la xidho lagu Waxyeeleeyo xasaanadoodii iyada oo uu xisbiga kulmiye dalka kataliyo?

12;    Waxad odhan jirteen wuxu rabaa ina Riyaale in uu mudada kordhisto oo uu iska fadhiyo oon la qaban doorashada maxaa keenay in aad mudada kordhisatan ood iska fadhidan iyadoo uu xisbiga kulmiye dalka ka taliyo?

13 ‘ Waxad odhan jirteen xukuumada Riyaale waxay ku fashilantay Aqonsigii oo waa nin aan aqoon u lahayn halka loo maro Aqoonsiga  maxaa idiin diiday in aad keentan aqoonsi Oo Aad lahaydeen anagaa keeni oo naqaana halka loo maro iyada oo uu xisbiga kulmiye dalka ka taliyo?

14;  Wuxu sheegay Madaxwayne Daahir Riyaale in aanay lahayn somaliya meel lagala hadlo oo  uu yidhi isma aqoonsana xukuumada iyo shacbigeedu maxaa keenay  in  Aad wadahadal  la gashaan dawlad  Aan dadkeeda matalin oo ay ka ilaaliyan labatan kun oo askar ah afrikan ahi shicibkay iyadu ilaalin lahayd oo ay noqotay Natiijadii lahadal cali khaliif ?

15;  Waxaad si toos ah u taageeri jirteen Ururkii i Qaran Ee qayru sharciga ahaa ood lahaydeen xaqbay u leeyihiin in ay furtaan oo xukuumadaa qaldan maxaa u diiday madasha wada tashiga in ay xaq u yeeshan in ay  furtan xibigooda iyada oo uu dalka kataliyo xibiga kulmiye?

16; Waxaad dabada kariixi jirteen hadad tihin xisbiga kulmiye doodaha la xidhiidha  xisaab xidhka miisaaniyada oo inta badan goluhu  kadoodi jiray maxaa keenay in haba yaraatee aan laga doodin wax xisaab xidh ah shan sano oo uu dalka katalinayay xisbiga kulmiye oon la ogayn hedhkii iyo sabhedhii in loo isticmaalay sidii loogu talagalay?

17 ; Waxa jirtay malin cidanka qaranku kasoo baxay dagmada dhahar arin ciidan darted oo ahayd April 17/2007 uu Afkiisa kalahaa Axmed siiranyo  Aritaasi waa qaran dumis oo waxa masuuliyadeeda leh madaxwayne  riyaale maxay kudhacday in ay kasoo baxan ciidanka qaranku iyada oo uu dalka ka madaxwayne  yahay Axmed siiranyo?

18 ;Waxa jiray in uu walaac ka muujiyay  madaxwayne siiranyo markuu mucaaridka ahaa 29,september,2009 sida uu u fulin karo Daahir Riyaale lixdii qodob ee uu calamku ku dhex dhexadiyay ee uu keenay xisbiga kulmiye miyaan laga shakiyi Karin sida uu u fulin karo xisbiga kulmiye iyo madaxwayne siiranyo go,aankii maxkamada ee ku salaysnaa doorashada?

19 ;Waxad sheegtaan xisbi dimiquraadiyad ah oo ay u dhanyihin Beelaha Somaliland hadaad tihiin xisbiga kulmiye  maxaa keenay in la yidhaahdo  beelbaa beel u siisay xisbigii abaal ay ku lahayd miyaanay ahayn waa xisbi laba reer?

20;   Waxa jiray in dabayaaqadii xukuumadii Udub ay is casileen laba wasiir oo isku beel  ah oo uu lahaa Xisbiga kulmiye xukuumadii waa laga dareeray maxaa keenay in manta xukuumadii Xisbiga kulmiye mar qudha ay kadareeran 14 wasiiro  Oo kala hayb ah?

21;   Waxad odhan jirteen  Looma baahna wasiiradan sida adhiga uu dhaqday ina Riyaale oo ay kamid ahayd buugiinii cagaarnaa  wasiiro tirayar Maxaa keenay in ay ka bataan Kuwa xukuumada xisbiga kulmiye kuwii Xukuumadii Riyaale?

22 ; waxad odhan jirten Ina riyaale safarkiisiibaa safar kabatay maxaa keenay in aad  kasafar badataan oo aad toban toban iskuraacdan safaro dibada ah oo bilaa ujeeda ah hadaad tihiin xisbiga kulmiye?

23 ; Waxad  odhan jirteen dadka cashuurtaanu kadhimi doonaa hadaad tihiin xisbiga kulmiye maxaa keenay  in aad Toban jibaartan ?

24 ; Waxad Tidhaahdeen Waxbarashadii dugsiyada hoose dhexe ayaan bilaash kadhignay Hadaad tihin xisbiga kulmiye maxaa keenay in lagu kordhiyo Tacliinta sare sida dugsiyada sare iyo jaamacadaha oo laysku badalo?

25 ; Lama hayo xukuumadii daahir riyaale oo xadhiga kajartay mashruuc been ah maxaa keenay in xukuumadda xisbiga kulmiye xadhiga kajarto mashaariic been ah sida Riiigiii wado makaahiil?

26 ;  Waxa jirtay in loo samaystay Xisbiyda in lagaga baxo qabyaaladda oo lagu doortay golihii deegankee hore xisbinimo manay jirin reer nin u codeeyay maxaa keenay in aad u badashaan Doorashadii u horaysay eed qabatan ee golaha deegaanka in wax lagu doorto qabiilnimo?

27 ; Umadaha  Waxa Baabiiya khilaaf waana masiibooyinka Alle laga baryo maxaa  keenay in aad horumar ku sheegtan hadaad tihin hoganka xisbiga kulmiye  idin koo raba in aad umadda utalisan ?

28  ; Waxa jiray xiligii xukuumadii dahir riyaale  in hadii cid lasoo qabanayo laga baqanayo in uu buuq kadhasho aan la ogaan karin xili la qabtay oon wax khasaare ahi ka iman jirin qabashada qofkasta oo miisanlaba maxaa keenay in hadad soo xidhaysan islan dag ah in guuto ciidan ah lagu saaro oo ay sababto iska hor imaad Sababa Dhimasho iyo dhaawac?

29 ; Waxa ka reebnaa xukuumadihii hore  hadalada is burinaya maxaa keenay xukuumadan xisbiga kulmiye in hadii wax dhacaan masuulba wax ku sheego isla dhacdo kaliya sida shaqaaqadii mujaahid axmed jaban iyo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha waxay ahayd fuliin wasiirka arimaha gudaha  waxa is haystay laba nin oo jaar ah oo isku meherado dhaw maayerka caasimada hargaysa waxay ahayd igsidhin?

30 ; Waxay lahaan jireen xukuumadihii hore madaxwaye dadka wax u sheega haday wax dhacaan  ama waxla waydiiyo oo ay albaa badiisu u furan yihiin su,aalaha sida idaacadaha+tiifiiyada+wargaysyada+ dadwaynaha maxaa keenay in uu noqdo  madaxwayne axmed siiraanyo in uu yidhaahdo yaan wax laywaydiinin waxna umada u sheegimaayo?

Fiira gaar  Muwaadin  Ilko Dhiigle Maxaa Lagu Aaaminaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!111

W/Q: Suxufi Xamse Jirde Axmed

Xaamseaxmed@gmail.com

Exit mobile version