|
|||||
WAJAALE NEWS
Mala Fahmay Taariikhda Madow Ee Xisbiga Kulmiye Aanu Mar Labaad Ku Heli Doonin Codka Shacabka Somaliland Iyo Milicsiga Waxyaabihii Ay Xukumadii Daahir Riyaale Ku Dhaliili Jireen!!!!
January 11, 2017 - Written by Editor:Waxaynu Qormadeenan dib umilicsan doonaa wakhtiyadii lagu jiray ololihii doorashada madaxtooyada ee 2010 iyo weedhiihi uu xisbiga kulmiye ku dhaliili jiray xukumadii daahir riyaale balse markii Madaxwayne siilaanyo uu ku gulaystay talada ay kuceen ficilo kasii fog iyo in uu xaraasho hantidii umada haday tahay Guro, Dekadii Berbera , Haamihii Shidaal oo madaxwayne siilaanyo ku dhaliili jiray xukuumadi ka horaysay oo ay gacanta ku haystay shirkadii TOTAL halka xukuumadii siilaanyo ay ku kacday dhamaan waxyaabihii ay bulshada u balan qadeen in ay wax ka qaban doonaan wax kasii liita halkan ka akhri waxyaabihi ay kaan baynka ku galeen iyo sida ay ubeenowday; 1 ; Waxa ka dhacay gobalada bari xiligii aahir riyaale qaraxyo lala beegsaday sarakiil ciidan oo ay kadambeeyen cadawga Somaliland kuwaasi oo xisbiga kulmiye uu lahaa xukuumadaa ka dambaysa oo waa dilal Qorshaysan , maxaa keenay in manta oo uu xisbiga kulmiye ka taliyo dalka ay saraakiil ciidan inooga dhintan in ay toogtan askartay xukumayeen? 2 ; Waxa jirtay shaqaaqo ku dhexmartay laba beelood oo gacal ah daganka ceel bardaale kaasi oo khasaare naf iyo malba leh keenay oo uu madaxwayne riyaale xal kadhigay in laga dhigo jiid cidan si loo kala badbado shacabka dhulkaa wada degan hase haatee xisbiga kulmiye uu lahaa waa cadaalad daro go aanka uu madaxwayne riyaale qaatay oo dadbuu dhulkoodii ka dhigay jiid ciidan ? maxay kulmiye ka qabeen xukunkii loo dooraye miyaanay lamid noqon shaqaaqadii kalshaale ku dhexmartay laba beelood oo gacal ah ? talaabadii siilaanyona noqotay mid lamida tii uu ku dhaliilayay daahir riyaale 3 ; Waxa ka dhacay jeelka Hargaysa Maxaabiis hubaysan oo bastolado sita oo lasoo qabtay iyagon waxba dilin, oo uu maalintaa xisbiga kulmiye lahaa Xukuumadaa ka dambaysa Miyaanay ka xumayn kuwan askarta laayay iyadoo uu dalka kataliyo Xisbiga kulmiye isla jeelka hargaysa? TAANA YAY KU EEDAYDOONAAN? 4 ; Waxa jiray in kulmiye joogtayn jiray mudaharad lid ku ah nabadgalyada oo haben iyo malinba leh oo aan wax ruqsadah loo haysan marka ay ka hortagan bilaysku siloo sugo nabad galyada ay kala hor imanjiren cidanka dhagax iyo faashash hadii cid kudhimato ama ku dhawacanto ay odhon jireen dadbaa la xasuuqay maxaa keenay in la diido mudaharaadba oo layidhahdo lama ogola oo la laayo dadka si ka xun xukumadii hore iyadoo uu dalka kataliyo xisbiga kulmiye ? 5; Waxa jiray mar la xidhay tifi tirihii Wargayska Haatuf oo uu wargaysku shaqaynayay in xisbiga kulmiye uu lahaa dag dag haloo sii daayo oo haloo soo celiyo madaxbanaanidii saxaafada maxaa keenay in la xidho wargayskiiba gabi ahaantii oo laga qaado ruqsadii oo laga saaro liiska Warbaahinta iyadoo dalka uu ka taliyo xisbiga Kulmiye? 6 ; Waxa jiray in aad odhan jirteen hadaad tihiin xisbiga kulmiye haamihii baa lawareejay oo dhibwayn ku haysa umada oo waanu soo celin, maxaa keenay in aad wareejisaan haamihii iyo warshadihii laydhka berbera iyadoo uu dalka ka taliyo xisbiga kulmiye? 7 Waxad diidi jirteen maxjarkii Aljaabiri hadaad tihiin xisbiga kulmiye ood agwadeen maxjar labaad oon xukuumada ka haysan ogolaansho maxaa keenay in aad diidan maxjarkii sedexaad idinka oo ah xisbul xaakimkii Talada dalka hayay? 8 ; Waxaad ku dhaliili jirteen xukuumadii daahir riyaale marabo in la kiciyo warshada sibidhka Barbara maxaa keenay in la kicin waayo isla warshadii sibidhka barbara iyadoo uu dalka kataliyo xisbiga kulmiye ? 9 ; Waxaad odhan jirteen dhulbaa la iibshay oo laguma daro khasnada dawladda maxaa keenay in aad iibisaan dhulkii iyo guryihii iyo iskuuladii caruurtu wax kubaran jirtay iyo baarkinadii iyada oo uu dalka ka taliyo xisbiga kulmiye ? 10 ; Waxad odhan jirteen dhalinyarada tahriibaysa waxaa ka dambeeya xukuumadda riyaale oo dayacday maxaa keenay in ay tahriibtu toban laabanto iyada oo uu dalka kataliyo xibiga kulmiye ? iadoo ay y sabab u tahay xilalka iyo shaqooyinka oo lagu taxay dad Qurba joogta ah ee xukuumada kulmiye? 11 ; Waxad odhan jirteen Golihii Wakiilada ayaa la qabsaday oo uu ina Riyaale ku tuntay xasanadii golaha wakiilada maxaa keenay in aad qabsataan golaha wakiilada oo xildhibaano la xidho lagu Waxyeeleeyo xasaanadoodii iyada oo uu xisbiga kulmiye dalka kataliyo? 12; Waxad odhan jirteen wuxu rabaa ina Riyaale in uu mudada kordhisto oo uu iska fadhiyo oon la qaban doorashada maxaa keenay in aad mudada kordhisatan ood iska fadhidan iyadoo uu xisbiga kulmiye dalka ka taliyo? 13 ‘ Waxad odhan jirteen xukuumada Riyaale waxay ku fashilantay Aqonsigii oo waa nin aan aqoon u lahayn halka loo maro Aqoonsiga maxaa idiin diiday in aad keentan aqoonsi Oo Aad lahaydeen anagaa keeni oo naqaana halka loo maro iyada oo uu xisbiga kulmiye dalka ka taliyo? 14; Wuxu sheegay Madaxwayne Daahir Riyaale in aanay lahayn somaliya meel lagala hadlo oo uu yidhi isma aqoonsana xukuumada iyo shacbigeedu maxaa keenay in Aad wadahadal la gashaan dawlad Aan dadkeeda matalin oo ay ka ilaaliyan labatan kun oo askar ah afrikan ahi shicibkay iyadu ilaalin lahayd oo ay noqotay Natiijadii lahadal cali khaliif ? 15; Waxaad si toos ah u taageeri jirteen Ururkii i Qaran Ee qayru sharciga ahaa ood lahaydeen xaqbay u leeyihiin in ay furtaan oo xukuumadaa qaldan maxaa u diiday madasha wada tashiga in ay xaq u yeeshan in ay furtan xibigooda iyada oo uu dalka kataliyo xibiga kulmiye? 16; Waxaad dabada kariixi jirteen hadad tihin xisbiga kulmiye doodaha la xidhiidha xisaab xidhka miisaaniyada oo inta badan goluhu kadoodi jiray maxaa keenay in haba yaraatee aan laga doodin wax xisaab xidh ah shan sano oo uu dalka katalinayay xisbiga kulmiye oon la ogayn hedhkii iyo sabhedhii in loo isticmaalay sidii loogu talagalay? 17 ; Waxa jirtay malin cidanka qaranku kasoo baxay dagmada dhahar arin ciidan darted oo ahayd April 17/2007 uu Afkiisa kalahaa Axmed siiranyo Aritaasi waa qaran dumis oo waxa masuuliyadeeda leh madaxwayne riyaale maxay kudhacday in ay kasoo baxan ciidanka qaranku iyada oo uu dalka ka madaxwayne yahay Axmed siiranyo? 18 ;Waxa jiray in uu walaac ka muujiyay madaxwayne siiranyo markuu mucaaridka ahaa 29,september,2009 sida uu u fulin karo Daahir Riyaale lixdii qodob ee uu calamku ku dhex dhexadiyay ee uu keenay xisbiga kulmiye miyaan laga shakiyi Karin sida uu u fulin karo xisbiga kulmiye iyo madaxwayne siiranyo go,aankii maxkamada ee ku salaysnaa doorashada? 19 ;Waxad sheegtaan xisbi dimiquraadiyad ah oo ay u dhanyihin Beelaha Somaliland hadaad tihiin xisbiga kulmiye maxaa keenay in la yidhaahdo beelbaa beel u siisay xisbigii abaal ay ku lahayd miyaanay ahayn waa xisbi laba reer? 20; Waxa jiray in dabayaaqadii xukuumadii Udub ay is casileen laba wasiir oo isku beel ah oo uu lahaa Xisbiga kulmiye xukuumadii waa laga dareeray maxaa keenay in manta xukuumadii Xisbiga kulmiye mar qudha ay kadareeran 14 wasiiro Oo kala hayb ah? 21; Waxad odhan jirteen Looma baahna wasiiradan sida adhiga uu dhaqday ina Riyaale oo ay kamid ahayd buugiinii cagaarnaa wasiiro tirayar Maxaa keenay in ay ka bataan Kuwa xukuumada xisbiga kulmiye kuwii Xukuumadii Riyaale? 22 ; waxad odhan jirten Ina riyaale safarkiisiibaa safar kabatay maxaa keenay in aad kasafar badataan oo aad toban toban iskuraacdan safaro dibada ah oo bilaa ujeeda ah hadaad tihiin xisbiga kulmiye? 23 ; Waxad odhan jirteen dadka cashuurtaanu kadhimi doonaa hadaad tihiin xisbiga kulmiye maxaa keenay in aad Toban jibaartan ? 24 ; Waxad Tidhaahdeen Waxbarashadii dugsiyada hoose dhexe ayaan bilaash kadhignay Hadaad tihin xisbiga kulmiye maxaa keenay in lagu kordhiyo Tacliinta sare sida dugsiyada sare iyo jaamacadaha oo laysku badalo? 25 ; Lama hayo xukuumadii daahir riyaale oo xadhiga kajartay mashruuc been ah maxaa keenay in xukuumadda xisbiga kulmiye xadhiga kajarto mashaariic been ah sida Riiigiii wado makaahiil? 26 ; Waxa jirtay in loo samaystay Xisbiyda in lagaga baxo qabyaaladda oo lagu doortay golihii deegankee hore xisbinimo manay jirin reer nin u codeeyay maxaa keenay in aad u badashaan Doorashadii u horaysay eed qabatan ee golaha deegaanka in wax lagu doorto qabiilnimo? 27 ; Umadaha Waxa Baabiiya khilaaf waana masiibooyinka Alle laga baryo maxaa keenay in aad horumar ku sheegtan hadaad tihin hoganka xisbiga kulmiye idin koo raba in aad umadda utalisan ? 28 ; Waxa jiray xiligii xukuumadii dahir riyaale in hadii cid lasoo qabanayo laga baqanayo in uu buuq kadhasho aan la ogaan karin xili la qabtay oon wax khasaare ahi ka iman jirin qabashada qofkasta oo miisanlaba maxaa keenay in hadad soo xidhaysan islan dag ah in guuto ciidan ah lagu saaro oo ay sababto iska hor imaad Sababa Dhimasho iyo dhaawac? 29 ; Waxa ka reebnaa xukuumadihii hore hadalada is burinaya maxaa keenay xukuumadan xisbiga kulmiye in hadii wax dhacaan masuulba wax ku sheego isla dhacdo kaliya sida shaqaaqadii mujaahid axmed jaban iyo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha waxay ahayd fuliin wasiirka arimaha gudaha waxa is haystay laba nin oo jaar ah oo isku meherado dhaw maayerka caasimada hargaysa waxay ahayd igsidhin? 30 ; Waxay lahaan jireen xukuumadihii hore madaxwaye dadka wax u sheega haday wax dhacaan ama waxla waydiiyo oo ay albaa badiisu u furan yihiin su,aalaha sida idaacadaha+tiifiiyada+wargaysyada+ dadwaynaha maxaa keenay in uu noqdo madaxwayne axmed siiraanyo in uu yidhaahdo yaan wax laywaydiinin waxna umada u sheegimaayo? Fiira gaar Muwaadin Ilko Dhiigle Maxaa Lagu Aaaminaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!111 W/Q: Suxufi Xamse Jirde Axmed Xaamseaxmed@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|