|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Silaanyo Oo Degrayto Ku Magacaabay Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Iyo Masuulka Loo Magcaabay
January 18, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)January.18,2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland
Related posts:DAAWO;-Wasaarada Caafimaadka Jsl Oo Shaaciyay Tirada Kiisas Cusub Ee laga Helay Xanuunka Covid19 Iyo... Maxaa Kasoo Baxay Gudidii Wasiir Cabdiwali Hogaaminayay Ee Xal Uhelida Khilaafka Golaha Deegaanka Ga... Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo Ka Hadley Xilka Qaadistii Jaamac Shabeel iyo Is-barbardhig uu Ku Sameey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|