|
|||||
WAJAALE NEWS
HALKAN KA AKHRI ; Maansada MADLUUN Ee Abwaan Cabdirisaaq Maxamed Muse
January 24, 2017 - Written by Editor:Waa maanso aan kaga hadlayo xaaladaha qallafsan ee maanta bulshadeenu la daalaa-dhacayso. Murtiyo tabaheeda Maraaro-dhiggeeda Anoo maxamud bal Markeba u cidaadin Ayuu millil dhiigay I maax godliyaaye Waxaa I mudaaya Sidii mudac fiiqan Maqaarka dhilaaya Halkaynu marayno Moraal xumadeeda Mugdiga arrinkeena Murgidda xadhkihiisa Hadday madaxdiiba Masiir ummadeedka Majare u daygiisa cabdow ka masuugto Madhuufe dadkaasi Mankooduna shiiqye Markayse darnaato Miskaha lagu ciiro Waxaa leh miskiine Maraaxilka taagan Maroorka dhaqaale Murdiso leefleefka Manuus uugaanka Cidday micidiisu Miriirsiyaysaaba Maxaysato weeyi Markii la mildhaaway cid maamusha wayday Maciishadda heedhe Cirkaa lagu meershay Waxay murgugaaftay Malaayin dan lay ah Mujooyinka ooyay Mirtii dhexe qaaqle Maxaa lagu kaalin Maxasta goolmooni Madhnaanta caloosha Wataa meehanawga La wada murugootay Midhbaanse tebaaye Ninkay maaraynta Mushkilo xallinteedu Miciin ka sugaysay Miyuu horta dhaaday? Miniin ka miniinba Ilaa mi’atayn gu’ Abaar inna miiqda Harraad miyi eedo Magaalana jiidha Maseeya dalkoo dhan Ma wayno dadoowe Miyaan la gudbaynba Masiibada weeran Mataano is-eegta Midkood ka kaleeto Maqnaansho u diido Miyaan la ahaanay? Biyaha mulacleeya Majiiraha daadka Mahwiga dananaaya Moos aan ku dabbaalno Madhxin iyo kaydso Miyaan tahli waynay? Maadh aad dhididaabu Muruqu keenaaye Meerarkiyo beerta Miigaynta qodaalka Maxaa lagu daayay? toloow maankeenna Maxaa ku dahaadhan? Malkada caafimaadna Muhiimadda weeyi Bulshada milgaheeda U muunad horaysa Mashaqo halisaaba Mandhawse ka taagan Dawooyin mulaaqa Malleel iyo huube La soo maydhaamay Suntaa midabaysan Dadkii madiyaysay Mariidka qofkii ah Kiniino la miisay Sidii milix iib ah Markii la magaabshay Moxogga iyo beerka Miyay ka wareentay Madluunka xanuunka Meeraysi waliilka Mihnad dhakhtareeda Magaan ku shaqaysta Midh aanse taraynin Muxuu u dan sheegtay Manaxe cadawgiina Marada faraqeeda Maaleey uga buuxi Maalkiina ka reebay Midigtu naafawday Macaash dhagaraysan Muxuu la carraabay Miroow bukihiina Muquur sakaraadda Muxuu la abaaday Maydkiisa la jiiday Mid wayga su’aale Yaa maaruqiddaasi Masuul ka ahaaday ? Mishiino shidaalka Mucdiisa dayaaya Haddii la milkeeday Dawada milaygeeda Tayada midhaheeda Minaahidin eegga Maxaa lagu dhaafay Hadmuuse matoorku Muwaadin jibaaday Mudnaanta ka yeeshay? Markaad cuganayso Bulshooy masanuunta Miqyaaska janjeedha Miisaan li’idaadu Wataa ku malgaysa Mid reer hebel sheegta Maqiiq u difaaca Maxaafsade tuuga Maamuus ku cayuuqa Miyaanad ka daalin? Maxaadse ka dheeftay? Bulshooy mudutuusha Maqaar geed saaran Maqluub duugoobay Muraajacadiisu Miyaanay dhamaanin ? Mallooliga qoodha Haddaanad ka miirin Maan-laawaha doobya Maxaadh u dabaysan Maddaale ku tiirsha Maqaam sare gaynin Maxsuul lagu reeyo Wallee ma mahiibtid Maseexdaha jiidda Marlayda diciiftay Haween milicdaasi Milgooy u jarmaada Masruufka agoonta Nin maala tunkiisa Midiidin saboola Macallin iyo kuuli Mullaaxda xaqooda Maxaa laga haagay Mirqaan lagu oogay Nin moog sifaheedu Minaarad ka jeexday Meeriskaba fiidka Mayrac galabeedda Markuu hoyanaayo Marbaa la tirshaaye Bulshooy maqalkaaga Furaha moodkaaga Ninkaad ku marriintay Mar uun ka xisaabi Wixii maqan raadi Miyaad garan wayday? Siddiiq miyir beelka Mudaan ku dagnaaye In aan miiraabo Miyaan la filaynba? Maalkaaga nin raacay Madaa la tusaaye hadaad uga maagtay Muddayniyo xeerba Moofeeyaha baasi Siduu maalaayo Muquuno la siiyay Miskeeday hashaada Adoo macaluulay Mudh iyo andariira Muraara-dillaacsan Ninkii ku midhsiibay Madhiyay haantaadu Hadduu muusoodo Maaweelo ku heeso Muxubbo heelloodka Mashxarad la kacaaga Waxaan ku masaalo Maskaxdu garanwayday Siyaasi muraadle Markay danihiisu Mus ay ka galaanba Intuu ku majeerto Meexaano qabiilka ku meersho xiskaaga Ayaad muldhataayo Sidii mas dilaaya Martabad saarkiisa Macsuun u dhiggiisa U soo muhataaye Car maalin qudhaata Manfaaciga laalan Magoolka hagaasay Maatida oon laayay Sixada miinawday Maryaad bayhoofka Intaad is-maleegto Mayeelayo taa dhe Miidaanu taxriirka Mar uun bal istaaga Car maalin qudhaata Waxaa musuqmaasuq Mareegaha goostay Mallaalka gadaaya Rugtiyo minankaaga Intaad u midawdo Ma yeelayo taa dhe Miidaanu taxriirka Mar uun bal istaaga Car maalin qudhaata Intaad mudh u toosto Cadliga marinkiisa Madawgu hadheeyay Shuruuc miis taalla Muraad qumiskeeda Mashruuc lagu qaato Malluug beeneedda Ma yeelayo taa dhe Miidaanu taxriirka Mar uun bal istaaga Car maalin qudhaata Mudanka dhashaada Miiddii hilbahooda Intuu murmureeyay Maggafe bidhanaayo Waxaa inan miiggan Midhaafay badwaynta Mustaqbal li’idooda Mayeelayo taa dheh Miidaanu taxriirka Mar uun bal istaaga ………………………………………………… Cabdirisaaq Maxamed Muse COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|