Gudidii Abaaraha Ee heer Qaran Ma Waxay Isu Bedeshay Gudida Musuq Maasuqa Qaranka?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudidii Abaaraha Ee heer Qaran Ma Waxay Isu Bedeshay Gudida Musuq Maasuqa Qaranka??
January 23, 2017 - Written by Editor:

Somaliland sanadba sanadka ka danbeeya waxa ku  soo  kordhaysa xaalada adag oo aah  masiibo  rabaaniya taasi oo  keentay  in dhulkii  iyo  dadkiiba ay  la soo  deristo xaalad bini  aadan nimo  oo  aad u  adag

Alle bay  awoodiisa ku  timi  allena isaga baa inaga  qaadi karra  illaahy  waxa aynu  ka baryeynaa in uu  inoo  soo naxaiisto  isaga baa waaxidee!!

ABYAN

inkasta oo  aan awooda illahay mooyaane aan cid kale  waxka qaban karrin hadana  dhawr jeer bay  dhegeheeena waxa ku soo  dhacay  waxa la abbuuray  haayado ka shaqeeya  xaaladan oo kale marka ay  timaado sida

1:haayada ka hortaga  aafooyinka  dabiiciga ah

2: Gudida abaaraha ee heer qaran

3:sanduuqa  saka waatka ama sakada

yadoo intaaba la sameeyey hada weli  wax la taaban karro  may  qaban

Waxa  dhaliisha  koowaad aan saarayaa  Gudida heer qaran ee abaaraha  oo aad moodo  in ay  yihiin gudi loo magacaabay  xaafad ka mida hargeisa  galbeedkeeda oo  aan dalkaba   wada gaadhsiisnay  iyo  meelihii  aafada abaartu  ka jirtay

Xaalada  abaareed oo  ah  tii ugu  xumayd ay  ka jirto gobolada  bari  oo maanta ay  marayso  duunyadii inta ay  dhamatay  dadkii ay  dhimanayaa  maalin walbana ay  qayla dhaantu  soo  baxayso  cidii  masuul ka ahayd  hotel hargeisa ay  dalxiisku  joogan   su,aal dalku ma hargeisa mise  ?  Gudida abaarha  ee Qaran Ayaa  noqotay  gudida musuq maasuqa   qaran  oo   Wasiir Samsam Abdi  Aadan u aH  gacan yare hoostaga .

Maanta  maaha  maalintii  laga taajiri lahaa wixii lagu  caawin lahaa  dadka  xoolihii iyo  dadkii  ka dhamaadeen

wixii  umada  islamka iyo reer somalilandba ay  ugu  deqeen umada  dhibka haysata  waxa lagu  hagaajiyey  sanduuqa  Gudida noqotay  dhiigmiiratada  ummada reer somaliland

shicibka  reer somaliland  waxa ay  ogyihiin in  xubinkasta  oo  gudidaa ka mid ahi  ay  maalintii  qaataan oo mushahar ahaan u qaataan  lacag  lagu  sheegay  )$50  dollar  per day hargeisa ay Iska dhex joogaan

markaa maxaa u naf ah  dadkii  loo baahnaa in ay  hiil u noqdaan  dadka  abaaartu  heshay

gobolada bariga  wax qabad la,aanta haysata  ee aan waxba loo qaban  marka  maanta oo  dadkii ay  dhimanayaa  loo nixi  waaayey  goorma  baa loo naxayaa ma marka roobku  da,o?

hadal iyo  dhammaan gudida abaraha  ee heer qaran waa ay fashilmeen wixii lacag  lagu  wareejiyey  ee ay bixiyeen  ganacsatada iyo  shirkadaha is gaadhsiinta iyo shicibka iyo  ardayda iyo ciidanka kal duwani  meel muuqata oo lagu  bixiyey  lama hayo waana in  la bedelaa gudidan   oo la abuuraa  cid daacad ah  oo badbaadisa umada  alle baa wax badbaadiyee

Tallo

waa in ay musha harkooda hal bil oo dhamaustiran  ugu deeqaan  dadka abbaartu  saamaysay ,sida

1: wasiirada

2: ciidanka kala duwan ee qaranka

3: labada Golle Qaran

4: shaqaalaha  goobaha  gaarka loo leeyahay ka shaqeeya

dhammantood in ay musha harkooda  hal bil  ugu  deeqaan dadka abaaruhu  halleeleen

Jaamacadaha  dawladu  waa ina ay  ka qayb,qaataan taakulaynta  mid  dhaqaale iyo  mid  farsamo ahaaneedba

AQoon yahan  Mohamoud Abdi ibraahin Xaji Abyan

Tell 00252-63-4322834

Abyan912@gmail.com

COMMENTS
LINKS