WAJAALE NEWS

Go,aamada Weyda ah Ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ka Soo Saartay Qiimo Dhaca Shilinka Somliland iyo Sixir Bararka Aafeeyay Maceeshadu ma noqon doonaan kuwo xal u Noqda Xaalada Dhabta ah ee jirta mise Qorshuhu waa mid Shacabka iyo shirkadaha layskugu dhiibayo warmaha .

Hargeysa(W.N)-Tan iyo intii uu xadhkaha goostey Sixir bararka aafeeyay maceeshada iyo danyarta Shacbiga Somaliland oo maalinba maalinta ka dambeysa xadhkaha sii goosanayey waxa ay Xukuumada uu Hogaamiyaha u yahey Madaxweyne Siilaanyo marxaladan ka hor marisey talaabooyin safari olole Siyaasadeed iyo damaashaad isdaba yaac ah ku kooban islamarkaana ka madhan qorshe Xukuumadeed iyo nidaam dawladnimo oo lagaga sal gaadho xalintiisa taas oo ay mar walba muuqaneysay ku baraaruga arimaha baylahda oo hadalheyntoodu maalmo kooban ku eeg tahay sida wacyiga abaaraha oo aan nidaam dawladeed marnaba lagaga hawlaglin. Hadaba waxa isweydiin badani ka joogtaa qorshaha weyda ah ee ay manta fadhiga ku baraaruga xaalada dhabta ah ka yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumada ee uu Gudoominayey Madaxwayne Siilaanyo kaas oo fadhigooda maantu sabab u ahaa kadib markii rabshado xoogan oo Jawaabta Shacbiga ah ee Xaalada dalka ka taagani shaley ka dhaceen guud ahaanba Suuqyada Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland waxa af kala qaad iyo yaab ku aheyd Shacbiga nuxurka lagu koobay jawaabta Xukuumada iyo go,aanka weyda ah ee kasoo baxey fadhigoodii Sixir bararka iyo qiima dhaca Shilika Somaliland ku aadanaa kaas oo ujeedadiisu lagu koobay meel aanu xaqiiq ahaan fadhiyin halka xudunta u ah Sixirbararka maceeshada ee Saameynta culus ku yeeshay nolosha Shacabiga danyarta ah oo soo socdey bilihii u dambeeyay ee Sanadkii lasoo dhaafey iyadoo ilaa iyo hada maanku qaadi laayahey in fadhiga Xukuumada ee maantu dhab ahaan uga turjumayo in ay Xukuumadu gabi ahaanba ka dhoy laadahey xaqiiqda rasmiga ah ee Waayaha Bulshada Somaliland ku saleysan yahey maadaama ay kaga mashquushey arimo ay kamid yihiin usii gogolxaadhka kasii laacista hantida dadweynaha ee jeebabka laga sii buuxsanayo iyo arimo farafareyn lagu dhaafayo ee ku jihaysan waaqiciga hawlihii loo igmadey ee Danta Guud. Sikasta oo ay tahey, waxa Su,aal weyni ka joogtaa qodobada ay maaweeliska kusoo saareen Golaha Wasiirada iyo Madaxweynuhu side bay daawo ugu noqon doonaan xaalada dhabta ah ee xiligan dadlka iyo dadka soo waajahey oo u lamaaneynaya duruufaha Abaaraha iyo xoolaha dhamaadey maadaama laga wada dharegsan yahey in Adeegyada Shirkaduhu ee Zaadka iyo EDahab ahaayeen kuwa hore u jirey oo aan saamayn ku yeelan jirin halka boogtu taalo ee Sixirbararka iyo maceeshada qaaliyowdey.

 

Adeegyadan Soo jireenka ah ee habka casriga ah lacagta  la iskugu diro ee  Zaadka ayaa ahaa adeeg in badan jiray oo bulsho wayta Somaliland ay mahadiyeen waxtarkiisa iyaga oo bulshaneenu tahay reer guuraa inta badan noloshoodu ku xidhan tahay lacagaha looga soo diro dibadaha oo loogu xawili miyiga adeeega Zaad iyo sidoo kale adeegan Zaad oo ah adeeg fududeeyay wax kala iibsiga xiligana qayb laxaadleh ka qaatay taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen ayaa noqonaya mid ay joojintiisa si wayn uga soo horjeestaan guud ahaan bulshada Somaliland.

 

Waxa kale oo iyaduna Meesha ka madhanayn in awaamiirtan xukuumadu ka soo saartay adeega Zaad uu noqonayo uun mid mamnuuc ka ah dadka danyarta ah balse ay adeegsanayaan dadka kale ee awooda u leh maadama amarkani farayo in wax ka badan 100 dolar uun lagu isticmaali karo adeegan.

 

Si kastaba ha ahaatee talaabadan xukuumadu ay qaaday ayaa u muuqda mid dagaal hor leh ka dhex abuuraya shariikadaha gaamuray ee isgaadhsiinta oo in mudo ah soo gaadhsiiyay dalka horumar la taaban karo haday noqoto shaqaalayn iyo cashuurba iyada oo waliba laf jab ku noqonasa tartanka suuqyada oo xiligan si wayn ay ugu tartamayaan shirkaduhu balse amaawiirta ay xukuuumadu xiligan ka soo saartay adeega Zaad ayaa noqonaya mid keenaya Sadbursiimo ay kala tirsanayaan shariikadaha isgaadhsiinta oo hadii awaamiirtani xukuumadu fuliso ay saamayn taban ku yeelan karto qaar ka mid ah shirkadaha waawayn halka qaarna noqonayaan kuwo ku macaasha talaabadan xukuumadu qaaday.

 

 

 

Top of Form

Bottom of Form

Top of Form

Bottom of Form

 

Exit mobile version